Calendar

Gudoomiyihii hore ee baarlkamaanka Soomaaliya Aadan Madoobe oo weeraray maamulka Jubbaland

My beautiful pictureSheekh Adan Max’ed Nuur Madoobe oo ahaa Guddoomiyihii Hore ee Baarlamaaka Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aqoonsatay Jabhad baabi’isay Shacabka oo uu ula jeedo maamulka Jubba ee dhawaantan ay heshiiska la gashay dawlada Soomaaliya.

”Jabhadda ka arrimisa Kismaayo waxa ay si aan ka leexad laheyn u baabi’iyeen shacabka degan Magaalada Kismaaayo , hadana dowladdu waa ay sii aqoonstay” ayuu yiri Xildhibaan Adan Madoobe.

Adan Madoobe oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in meelaha qaar xittaa ay burburiyeen jabhaddaasi guryihii shacabku degenaa si aan raadadkooda dambe loo arkin , isagoo fadeexad soo food saartay dowladda Soomaaliya ku tilmaamay aqoonsiga maamulka Jubba.

Hadalka gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa yimid kadib markii dawlada Soomaaliya ay heshiis rasmi ah la saxiixatay maamulka Jubbaland oo lagu doortay magaalada Kismaayo, kaasoo ay dhisteen dadka ku nool deegaankaasi.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured.
« »

Comment: