Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab oo maanta lagu aasay gudaha Muqdisho.
Bartamaha(Muqdisho):-Waxaa Maanta Muqdisho lagu aasay Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab Muqdisho oo muddo saddex cisho ah la isku haystay qaabka dhimashada Masuulkaasi oo baaritaan lagu hayay.
Munaasabad aas loogu samaynayay Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab Muqdisho ayaa maanta ka dhacday Degmada Shangaani halkaasi oo ay ka soo qeybgaleen masuuliyiin sare oo ka mida Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya.
Munaasabada aaska Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab Marxuum Axmed Sheekh Maxamuud Odayaa Qoorleex ayaa waxa ay ka dhacday Masjidka Shariif Qulatayn halkaasi oo lagu aasay masuulkaasi saddex cisho maydkiisa Talaajo lagu hayay.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ing.Nune iyo Saraakiil kale ayaa ka dhex muqatay munaasabada aaska iyadoo Janaasa lagula dukaday Masjidka ka dibna lagu aasay Gudoomiyahaasi gudaha Masjidka oo ku yaala Degmada Shangaani Muqdisho.
Saacadihi la soo dhaafay warar soo gaaray www.Bartamaha.Com ayaa sheegaya in la isku afgartay in la aaso Maydka Qoorleex ka dibna laga sii doodo baaritaanka lagu hayay dadka lagu tuhunsanyahay dilka ninkaasi oo looga shakiyay in Bistoolad lagu dilay ka hor qaraxa .
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments