Gudoomiye Xigeenka Labaad Ee Baarlamanka Soomaaliya oo la doortay.
Bartamaha(Muqdisho):-Gudoomiye Xigeenka Labaad Ee Golaha Baarlamanka ayaa maanta lagu doortay Magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble Casow ayaa ku guulaystay maanta doorashada Gudoomiye Xigeenka Labaad Ee Golaha Baarlamanka kmg ah markii doorasho ay maanta dhacday.
Doorashada ayaa waxaa isku soo taagay illaa 8-Mudane oo dhammaan doonayay in ay qabtaan xilka Gudoomiye Xigeenka 2-aad Ee Golaha Shacabka.
Markii in mudda ah uu tartarnka socanayay ayaa waxaa ugu dambayntii isku soo hatay Xildhibaan Dhinbil iyo Xildhibaan Boqore oo markii danbe kala baxay.
Xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble Casow ayaa ku guulaystay qabashada xilka Gudoomiye Xigeenka 2-aad ee Baarlamanka KMG ah markii uu helay 208-Cod waxaana haray ku xigeenka Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo helay 80-Cod.
Xildhibaanada ayaa galabta xilli hore ka baxay doorashada waxaana ay hadal haayeen doorashadii adkayd ee shalay lagu kala bixi la’aa oo in mudda ah socotay.
Shalay waxaa ku xigeenka 1-aad loo doortay C/Wali Sheekh Ibraahim Muudey waxaana maanta ku xigeenka 2-aad noqday Xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble Casow oo guulaystay.
Doorashadan ayaa waxa ay ahayd middii ugu horeysay ee ka dhacday Magaalada Muqdisho tan iyo Burburkii Dowladii dhexe Ee Dalka Soomaaliya.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments