Gudoomiye Xigeenka Boosaaso iyo Caruurtiisa oo dhaawac ka soo gaaray qarax Xalay ka dhacay Boosaaso.
 Bartamaha(Boosaaso):-Qarax qasaara badan sababay ayaa Xalay ka dhacay guriga Gudoomiye Xigeenka Boosaaso kaasi oo dhaawac uu ka soo gaaray qaraxaasi isaga iyo Caruurtiisa.
Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay Gudaha Hoyga uu daganaa Gudoomiye Xigeenka Maamulka Boosaaso xilli uu ku sugna hoygiisa iyadoo Koox aan la garan ay Bam ku tureen guriga masuulka.
Qaraxa waxa uu sababay dhaawaca Gudoomiye Xigeenka Mamulka Gobolka Bari C/qaadir Yuusuf Daahir iyo 4-ka mid ah caruurtiisa oo ku sugnaa gudaha hoyga gudoomiyaha.
Ciidamada Ammaanka Magaalada Boosaaso ayaa gaaray guriga masuulkaasi markii qaraxa ay ka maqleen iyagoo ku guul dareystay qabashada Kooxda qaraxa ku tuurtay hoyga masuulkaasi.
Dhawaaca masuulka iyo Caruurtiisa ayaa la dhigay Isbitaalka Magaalada Boosaaso oo haatan lagu dabiibayo waxaana laga dayriyay xaalada mid ka mida caruurta uu dhalay masuulka oo dhaawac culus uu gaaray.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Bari waxa uuna qaraxa imaanayaa xilli uu ku suganyahay Boosaaso Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments