Gudoomiye Tasan oo si cara leh uga jawaabay Eedeyn loo jeediyay.
Bartamaha (Muqdisho):- Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa si cara leh uga hadlay Eedeyn loo jeediyay Dowlada Hoose .
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Dowladda KMG Soomaliya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo saxaafada la hadlayay ayaa si cara leh ugu jawaabay Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo ku Eedeyay Dowlada Hoose lunsashada Hanti qaran.
Tasan waxa uu daaha ka qaaday in Maamulka Gobolka Banaadir aanay waxba ka ogayn Eedeynta Masuulka qaabilsan Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka waxaana uu ku sheegay nin aan marnaba la socon xaalada dalka.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir waxa uu sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir aanu marnaba ogayn cid dhaqaale ka lunsatay ama si guud dhaqaale uga lunsatay Dowlada waxaana uu sheegay in loo baahan yahay qoraal cadayn ah in uu keeno Xeer Ilaaliyaha.
“Maamulka Gobolka kama war qabo wax la dhacay iyo hanti maqan… waa been abuur iyo wax uu ku soo riyooday ninka Xeer Ilaaliyaha ah….waa in uu soo cadeeyaa dacwada uu diyaariyay wax cadna la yimaadaa…..”{ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
Masuulkan ayaa ugu danbayntii Bangiga dhexe ka dalbaday in aanay dhag jalaq u siinin dalabka ka soo yeeray Xeer Ilaaliyaha Guud oo codsaday in la xero shaqada Bangiga oo aan wax lacag ah kaga bixin taasi oo uu Gudoomiyaha ku tilmaamay sharci daro.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments