Gudoomiye ku xigeenkii wardhiigley oo lagu toogtay Muqdisho
Rag hubaysan ayaa toogasho ku dilay guddoomiye ku xigeenkii degmada Wardhiigley, Maxamed Axmed Taako, iyagoo sidoo kale dhaawacay ruux ilaalo ahaa oo la socday.
Dableyda qaaday weerarkan oo ku hubeysnaa bastoolado ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo guddoomiye ku xigeenka la toogtay uu isla goobta ku naf-baxay, waxaana tani ay qayb ka noqonaysaa ammaan-darrada Muqdisho ka jirta.
Goobjoogayaal ku sugnaa goobta isgoyska Siinaay markii uu falka dilka ah dhacayay ayaa sheegay inay geysteen rag dhallinyaro ah oo bastoolado ku hubeysan, kuwaasoo si nabad ah uga baxsaday goobtii uu dilku ka dhacay.
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay faraha ka baxay, iyadoo taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) uu ballan qaaday in lasoo xirxiro doono dhammaan kooxaha amni darrada ka wada Muqdisho oo uu sheegay in qaar kamid ah lagu soo qabtay hawlgalladii ugu dambeeyay ee Muqdisho laga sameeyay.
Comments
comments