Calendar

Gudoomiye Ku Xigeenka 1-aad Ee Baarlamaka oo maanta la doortay.

doras3Bartamaha(Muqdisho):-Gudoomiye ku Xigeenka 1-aad Ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta tartan adag ka dib la doortay.

Doorashada Ku xigeenka 1-aad Ee Baarlamanka oo dhawaanahan muran ka taagnaa ayaa maanta si  rasmi ah loo doortay.

Doorashadan oo ahayd mid aanay nooceena ka dhicin gudaha Dalka Soomaaliya ayaa waxaa tartamay xildhibaano  gaaraya 9-Xildhibaan oo dhammaan hal xil u ordayay.

Is reeb reebka 1-aad ayaa bilowday waxaana xilka isku soo taagay oo diiday in ay tanaasulaan illaa 9-Xildhibaan oo 1-qof oo kaliya ay Haweenay ka ahayd.

Tartanka ayaa waxa loo kala guulaystay sedan:-

Xildhibaanad Khadiija Maxamed Diiriye waxa ay heshay 80-Cod

Xildhibaan C/Wali Sheekh Ibraahim Muudey waxa uu helay 66-Cod

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye waxa uu haystaa 64-Cod

Xildhibaan C/fitaax Ibraahim Rashid 37-Cod

Xildhibaan Xasan Xaashi waxa uu helay 35-Cod

Sheekh Jaamac Xaaji Xuseen waxa uu helay 25-Cod

Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Yuusuf 22-Cod

Xildhibaan Mowliid Macaani ayaa helay 17-Cod

Xildhibaan Caamir Shakeeti 11-Cod

Qaar ka mida mudanayaasha ayaa danta ay ku kaliftay in ay tanaasulaan maadaama ay shaashada sidaciif ah uga soo muuqdeen.

Waxaa isku soo haray Afar xildhibaan oo isku dhagay kuwaasi oo  diiday in ay isku tanaasulaan.

Wareegii Labaad ayaa la isku horyimid waxaana afka Ciida loo daray Laba Mudane oo laga reebay tartanka waxaana quusan waysay Khadiija Diiriye oo hardan badan gashay.

Waxa ay Codadka u kala heleen Xildhibaanada wareegii Labaad sida muuqata:-

Xildhibaan C/Wali Sheekh Muudey oo u hormaray helayna 124-Cod.

Xildhibaanad Khadiija Maxamed Diiriye waxa ay heshay 117-Cod.

Maxamed Xayir Maareeye waxa uu helay 68-Cod

C/Fitaax Ibraahim Rashiid oo helay 35-Cod.

Isku soo duub Khadiija Maxamed Diiriye oo ka cod badisay rag Caan ah oo xildhibaano ah ayaa waxaa wareega Labaad ka muuqday in ay dhulka u dhawaatay maadaama xildhibaan Muudey uu ka yara Cod badiyay.

Wareega Sadexaad markii ay kulmeen Mrs.Khadija iyo Mr.Mudey waxaa natiijada ay qasabtay in ay hoos eegaan dhammaan Haweenka Baarlamanka oo markii hore Alalaasa waday markii Natiijada ay kala noqotay sedan:-

Xildhibaan C/Wali Sheekh Ibraahim Muudey oo helay 192-Cod

Xildhibaanad Khadiija Maxamed Diiriye waxa ay halgankeedii ku heshay 130-Cod

Waxaana guusha ay raacday Xildhibaan C/Wali Sheekh Ibraahim Muudey oo noqday Gudoomiye Xigeenka 1-aad Ee Baarlamanka KMG ah Ee Soomaaliya.

 

Hadaba waxaa la filanayaa in malainta Berita ah la doorto ku xigeenka 2-aad Ee Baarlamanka KMG ah waxaana halkaasi ka dhex muuqata Xildhibaanad labaad ee dhiiratay una taagan Musharaxnimada xilkaasi balse www.Bartamaha.com ayaad kala socon kartaa qaabka doorashada soo socota ay ku dhamaato.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: