Calendar

Gudoomiyaha Maxkamada Hiiraan oo shacabka ugu baaqay in hal maalin ay wada Ciidaan.

hiiraan-map-300x225Bartamaha (B/Weyne) Gudoomiyaha Maxkamadaha Islaamiga ah ee Gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan Gobolkaasi in ay ku midoobaan maalinta Ciidul Fidriga.

Sheekh C/raxmaan Ibraahim Macow oo ah Gudoomiyihii maxkamadaha Islaamiga Ee taageerada kala noqday dowlada Soomaaliya ayaa ugu baaqay bulshada in aanay isku khilaafin maalinta Ciida.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in maamulkiisa uu diyaarinayo goob salaada Ciida lagu wada dukado si anay khilaaf u dhicin isagoo sheegay in bulshada looga baahanyahay in maalin kaliya ay wada afuraan.

Masuulkaasi ayaa waxa uu sheegay in maalinta loo badanyahay ay wada furayaan Soonka islamarkaana ay maalin kaliya ay wada Ciidi doonaan si loo mideysnaado sidii loogu mideysnaa maalintii Ramadaanka.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: