gudoomiyaha majmaca culimaaudiinka soomaaliyed oo sheegay inuu ku fudaaday xilkii uu iska casilay farmaajo.
Sheikh Axmed Dhicisow gudoomiyaha Majmaca Culu’maaudiinka somaliyed oo qaar ka mid ah Warbaahinta Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in R.wasarihii hore ee Somalia Maxamed Cabdulaahi Maxamed farmaajo uu ku fududaaday hadalkii afkiisa ka soo baxay maalintii Axada 19-06-2011kii oo ahaa inuu iska casilay
Sheikha ayaa sheegay in farmaajo asiga oo heysta taageero shacbiyadeed aan loo baahneyn inuu Meesha baneeyo taasina uu ku fududaaday sida uu hadalka u dhigay Gumiyaha Culumaa’udiinka Somaliyed.
“Waxaan leeyahay farmaajo waa uu fududaaday Maxaa yeelay asiga waa la jeclaa taasna waxa uu Ku kasbaday waxqabadkiisa dhanka Somalia”sidaasi ayuu yiri Sheikh Axmed Dhicisow
Dhanka kale Gudoomiyaha Majmaca Culumaa’udiinka somaliyed ayaa ugu baaqay madaxda Dowlada ugu sareeya taasi oo ku aadan inay ka fiirsadaan cidda aay soo doorayaan
“Maanta waxaan idaacadaha ka maqlaayay in labada shariif inay kala boodeen ayaga doorasho R/wasaare doonayo war afhayeenka baarlamaanka ma asiga R/wasaare soo dooranaya waa maya Baarlamaanka ansixin kaliya ayuu leeyahay haddana ruuxa aay soo dooranayan ha noqdo mid Farmaajo u dhigma ama ka sii roon”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Hadalkaan ayaa imaanaya ka dib markii uu farmaajo uu cadeeyay inuu iska casilay xilkii Dowlada Uu u hayay isagoo sheegay inuu u tanaasulay danta shacabka iyo dalka.
xafiiska wararka bartamaha: muqdisho
Comments
comments