Calendar

Gudoomiyaha Maamulka Dowladda Ee Gobolka Hiiraan oo maanta shaaca ka qaaday in dhammaan maamulkiisa uu isaga baxay Dowlada Fd Soomaaliya.

Sh.mowBartamaha (B/Weyne) Gudoomiyihii Maxkamadaha Islaamiga Gobolka Hiiraan oo mar ku biiray Dowlada Soomaaliya ayaa maanta daaha ka qaaday in uu isaga baxay ka mid ahaanshaha Dowlada.

Sheekh C/raxmaan Ibraahim Macow oo maanta saxaafada kula hadlayay Magaalada B/Weyne ayaa waxa u sheegay in maamulkiisa uu gabi ahaan isaga baxay Dowlada Fd Soomaaliya .

Gudoomiyaha Maxkamadaha Gobolka Hiiraan xiliyadii danbana ku magacaabnaa Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu sheegay in Dowlada ay ku dhaqmi weysay shareecada Islaamka sidaasina ay kalsoonidii kala laabteen.

Sheekh C/raxmaan Mocow ayaa tilmaamay in dhammaan Maamulkiisa ay isku raaceen in Dowlada ay kala laabtan kalsoonida maadaama aanay shareecada Islaamka ku dhaqmeynin.

Gudoomiyaha maanta kalsoonida kala laabtay Dowlada Ee Hiiraan ayaa waxa uu sheegay in aanay Madaxda Dowlada ka shaqeynaynin danta dadka ku nool Gobolka iyo midda guud intaba islamarkaana ay howlo iyaga u gaar ah ay wattaan.

Masuulkaasi ayaa ugu danbayntii sheegay in Ciidamada Itoobiya ay gobolka soo galeen xilli uu isaga maqnaa islamarkaana aanu lahayn amarka soo galitaankooda gobolka isagoo dhaliilay qaabkii ay u dheceen baarasho iyo dhac loo geystay gobo ganacsi oo ku yaala Galbeedka Magaalada.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: