Gudoomiyaha Guri-Ceel oo qarax ka badbaaday iyo Caruurtiisa oo waxyeela gaartay.
Bartamaha (Guri-Ceel):- Gudoomiyaha Ahlu sunah Wal Jamaaca Degmada Guri-Ceel ayaa si dirqi nah uga badbaaday isku day Qarax lagu doonayay in lagu dilo.
Gudoomiyaha Degmada Guri-Ceel Ee Kooxda Ahlu sunnah Wal Jamaaca ayaa ka badbaaday isku day Dil lala damacsanaa markii Miino loo dhigay albaabka guriga uu ka daganyahay Degmadaasi Guri-Ceel.
Cismaan Ciise Nuur Gudoomiyaha Ahlu sunnah Guri-Ceel ayaa shalay gabal dhicii Miino lagula qarxiyay xilli uu galayay guriga uu ka daganyahay Degmadaasi taasi oo qasaara ka soo gaaray qaar ka mida Caruurtiisa.
Gudoomiyaha ayaa ka badbaaday Qaraxa Miinada ah oo haleelay qeybta danbe ee gaariga uu watay waxaana dhaawacyo daran uu u geystay qaraxa 2-ka mida Caruurtiisa oo xiligaasi ku sugaysay albaabka.
Miinada ayaa waxa ay burburisay gaarioga uu watay masuulkaasi nwaxaana waxyeelada gaartay dhammaan dhismayaasha u dhawaa Guriga Gudoomiyaha oo Miinada loo galiyay albaabka hore Ee Gurigaasi.
Dhaawaca Labada Caruur ah ayaa la dhigay Isbitaalka Degmada Guri-Ceel waxaana goobta soo gaaray Ciidanka Ahlu sunah Wal Jamaaca kuwaasi oo durbadiiba qabqabtay dhalinyara bnadan oo looga shakiyay maleegida Falkaasi.
Masuulkan oo saxaafad war siiyay ka dib qaraxa lala beegsaday ayaa waxa uu sheegay in ay ka danbeeyaan Alshabaab balse ay dhawana soo qabqabanayaan Ciidanka Ammaanka oo faraha kula jira baarida falka qaraxa ah sida uu saxaafada u sheegay masuulka la weeraray.
Gudoomiyaha Ahlu sunnah Guri-Ceel ayaa ka hor qaraxaasi waxa uu shalay si cara leh uga hadlay dil Ceelasha Biyaha duleedka Muqdisho loogu geystay Sheekh Maxamed Tahliil oo ahaa Gudoomiyihii Golaha Samadoonada isagoo ku Eedeeyay dilkaasi Alshabaab oo uu sheegay in ay horay u leysan waxgaradka Soomaaliyeed.
Ma aha markii ugu horaysay oo qarax nuucaani oo kala ah lala beegsado Masuulkaasi waxaana weerarkan uu imaanayaa xilli dhawaanahan shirar kala duwan uu u socanayay maamulka guud ee Ahlu sunnah oo shakki ka qabay in amniga uu halis ku jiro.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Comments
comments