Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Xalay Safar lugta ah ku soo galay Magaalada Balad-weyne.
Bartamaha (Badad-Weyne):-Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay soo galay Magaalada Balad-weyne ka dib safar dhanka lugta ah oo ay uga soo tageen Magaalada Gaal-kacyo.
Wafdiga uu hogaaminayay Sheekh C/raxmaan Ibraahim Mocow Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa xalay saqdii dhexe soo galay Magaalada Balad-weyne xiligaasi oo magaalada ammaankeeda aad loo adkeeyay.
Gudoomiyaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaaa la sheegay in shalay subaxnimadii ay ka dageen garoonka Magaalada Gaal-kacyo ka dibna ay halkaasi ka soo galbiyeen kolanyo gawaarida maamulka Hiiraan uu ka diray B/Weyne.
Masuulkaasi ayaa bilihii la soo dhaafay waxa uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho iyadoo la sheegay in uu u soo gaaray Muqdisho xalinta khilaaf maamuleedka ka taagan Gobolkaasi iyo aqoonsi uu ka raadinayay Dowlada Fd Soomaaliya.
Illa haatan ma jiro wax war ah oo uu Saxaafada siiyay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo xilli ahaa madaxii Maxkamadaha Hiiraan oo taageerayaashiisa badankood ka bexeen maamulkii uu hogaanka ka ahaa.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments