Gudoomiyaha Gobalka Banaadir “Suuq Bacaad maanta laga bilaabo waa uu furan yahay”
Muqdisho (www.Bartamaha.com):- Guddoomiyaha Gobalka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa maanta kulan la qaatay ganacsatada suuq bacaad.
kulana ka dib ayaa waxa uu la hadlay saxaafadda waxana uu uga warbixiyay waxyaabaha looga hadlay kulankii maanta la yeeshay ganacsatadda.waxa uu sheegay in looga hadlay kulan siddii loo dib loogu furi lahaa suuqa labaad ee ugu weyn magaaladda muqdisho ee suuq bacaad.
Waxa uu sheegay in ku dhiirigeliyay in ay ganacsigooda horumariyaan sameeystaanna warshado yar yar si dalka ay wax uga dhoofiyaan, isagoo dhanka kalena tilmaamay in dowladu ay dhiirigelineyso ganacsatada si sare loogu qaado ganacsiga dalka.
Guddoomiyaha gobalka banaadir ayaa ku celcelyay in suuq bacaad uu furanyahay isla markaana maamulka Gobolku uu u soo diri doono Baallooyin nadiifiya waddooyinka suuqaasi
Mr. Tarsan ayaa ganacsatada kula dardaarmay in ay gacan ka geeystaan amaanka suuqaasi ayna la shaqeeyaan ciidamada dowladda ee u xilsaaran sugida amniga.
Dhinaca kale Guddoomiyaha gobalka banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa intii uu socday deegada waqooyi ee magaaladda muqdisho waxa uu kormeer ku soo sameeyay Cisbitalki Lansaleeti isagoo ku soo wareegay qeybaha Cisbitalkaasi uu ka kooban yahay
Waxa uu warbixinno ka dhageeystay howlwadeennada caafimaadkaasi, wuxuuna ka codsaday wasaaradda howlaha guud iyo tan caafimaadka in ay dayactir ku sameeyaan cisbitalka laan saleeti maadaama uu ka mid yahay cisbitaallada ugu faca weyn ee magaalada Muqdisho.
W/D:Xafiiska Wararka Bartamaha Muqdisho Soomaaliya
Comments
comments