Calendar

Gudoomiyaha Degmada Xarfo ee gobolka Mudug oo booqdey deegaanada uu ka taliyo.

IMG_0714Bartamaha (Xarfo):- Gudoomiyaha degmada xarfo ee gobolka mudug ayaa booqasho ku tagay deegaano ka mida Degmadaasi Xarfo.

Gudoomiyaha Xarfo C/laahi faarax bayle tikrooni ayaa booqdey deegaano badan oo hoos yimaada degmada xarfo ee gobolka mudug.
Deegaanadaas oo ay kamid ahaayeen gosol, faratooyo, farjano , beer dhagaxtuur iyo cado gaba gabo
Gudoomiyaha ayaa dadka deeganadaas kala hadlayey sidii loo bilaabi lahaa dugsiyo waxbarasho oo deegaan waliba leeyahey .

Dadka deegaanadaan ayaa uguuxay fikirkaas gudoomiyaha ayaa ubalan qaadey inuu kataageeri doono dhanka mushaaraadka macalimiinta iyo wax waliba oo ay karaan maamulka degmada xarfo
Dhawaan ayey aheyd markii dadaal uu horkacayey gudoomiye tikrooni lagu dhisey wado jay ah oo dadka deegaanku dhisteen taas oo dhan 28km iyo buundo lasaarey tog wadada dhexdeeda mara wadadaan ayaa udhaxeysa degmada xarfo iyo tuulada beer dhagax tuur ee xaduudka kililka shanaad ee itoobiya.
Gudoomiyaha mar uu saxaafada la hadlayay  waxa uu sheegay in uu u  soo baxey in dad ka tirsan kililka soo gaareen beer dhagaxtuur  isagoo xusay in dadkaasi ay dib ugu laabteen xaduudahooda isagoo xusay in beer dhagaxtuur tahey Somalia kana taaganyahey calanka Somalia uuna hoos yimaado maamulka degmada xarfo.
Iskusoo duuboo gudoomiyaha ayaa kuhan weyn in deegaanada hoos yimaada xarfo oo dhan laga yagleelo waxbarashada aasaaiga ah iyo nolosha dhabta ah.

Xafiiska Bartamaha Bariga Afrika.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: