Calendar

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo shaaca ka qaaday in aanu la socan Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay dalka.

aadan-madoobebmp1Bartamaha (Muqdisho):- Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlada Fd Soomaaliya ayaa maanta sheegay in aanay madaxda dowlada ka warheynin soo galitaanka Ciidamo shisheeya ah gudaha dalka soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shaaca ka qaaday in masuuliyiinta dowlada ka warqabin soo galitaanka Ciidamo Itoobiyaan ah gudaha dalka soomaaliya.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in ay idaacadaha ka maqleen soo galitaanka Ciidamo Itoobiyaan ah balse aanay marnaba arag wax Askar Itoobiyaan ah oo soomaaliya ku sugan.

“Haddii dalka ay joogaan Ciidamo Itoobiyaan ah waa la wada arki lahaa idaacadihiinan ayaan idinka maqalnay ciidamadaasi maamulka dowlada ee gobolka hiiraan nooma soo gudbin in ay ciidamo Itoobiyaan ah gobolka joogaa…..”ayuu yiri gudoomiyaha Baarlamanka.

Waa masuulkii ugu sareeyay Ee Dowlada Fd Soomaaliya ka mida oo si cad u beeniya soo galitaanka Ciidamo Itoobiyaan ah gudaha Dalka Soomaaliya xilli Magaalada Balad-weyne dhawaan ay fariisino ka samaysteen Ciidamo ka socda Dowlada Itoobiya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: