Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo sii wada kulamada uu la qaadanayo cuqaasha Bay iyo Bakool
Ku simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo ay wehliyaan wasiiro ka tirsan Xukuumada iyo ilaa 50-meeyo Xildhibaan ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle oo shalay gaaray magaalada Baydhabo ayaa maanta kulan ballaaran la yeelanaya qeybaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka.
Sida ay sheegayaan wararka kulankan ayaa looga hadlayaa arrimo badan oo la xiriira dhismaha maamul goboleedka Koofur Goboleed Soomaaliya, kalsooni kala noqoshada beelaha digil iyo mirifle ee dowladda Soomaaliya iyo arrinta Maamulka Jubba oo ay si weyn uga soo horjeesteen.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa shalay mar uu la hadlay qeybaha bulshada ee ku soo dhoweeyay Baydhabo ayaa ku tilmaamay fursad muhiim ah in dhamaan xubnihii goboladan uga jiray dowladda oo isku duuban inay mar qudha yimaadaan oo ay soo hor fariistaan odayaashii soo xulay. “Arrimaha Gobolada waxaa go’aankooda ugu dambeeya is ka leh odayaasha dhaqanka, waana lagama maarmaan tallaabo kasta oo la qaadayo inay noqoto mid aanay ka hor imaan dastuurka dalka, iyo in aanay waxba u dhimin jiritaanka dowladnimada”ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ugu baaqay waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka inay is dejiyaan oo ay laab la kaca joojiyaan. Kulanka ballaaran ee maanta ka dhici doona magaalada Baydhabo ayaa lagu soo qaadi doonaa qorshaha maamul goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ee lixda gobol beelaha digil iyo mirifle ay doonayaan in maamul goboleed ka dhisaan, iyadoo qorshahan ahaa mid maalmihii u dambeeyay si xoogan uga socday Baydhabo.
Qaar ka mid ah Mudanayaasha baarlamaanka ayaa arrintan u xusul duubaya in deegaanada beesha degto in maamul goboleed laga dhiso, si ay qeyb uga noqdaan maamul goboleedyada ka jira dalka. Odayaasha dhaqanka beelaha Digil iyo Mirifle ayaa maalmo ka hor muddo labo cisho u qabtay in Baydhabo ku yimaadaan Xildhibaanada iyo wasiirada uga midka ah dowladda, waxaana taasi keentay in safar deg deg ah ku yimaadaan in ka badan 50-xildhibaano, wasiiro iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Comments
comments