Calendar

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Galabta Muqdisho dib ugu soo noqday

4660

Bartamaha (Muqdisho):-Gudoomiyaha Baarlamaanka DMKG ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dib ugu soo laabtay dalka kadib safaro ay ku kala bixiyan dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta.

Shariif Xasan ayaa Hogaamiyaya Wafdi ka koobaan 10 Xildhibaan oo dalka dib ugu laabtay kadib markii dalka dibadiisa ay howlo shaqo ugu maqnaayeen.

Kadib markii uu soo gaaray Shariif Xasan Magaaladda Muqdisho ayuu sheegay in Baarlamanka Soomaaliya ay horyaalaan howlo badan oo u baahan in wax laga qabto. Isagoo sheegay in uu guul ku soo dhamaatay safarkii uu dibada ugu maqnaa.

Shariif Xasan ayaa intii uu dalka Dibada uga maqnaa magaaladda Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay Dalalka iyo Hay’adaha Deeqda bixiya si loo helo mushaaraadka Baarlamaanka iyadoo balanqaado loo sameeyay loona sheegay in Mushaaraadka Xubnaha Baarlamaanka in la bixin doono.

Shariif Xasan ayaa dhawaan loo doortay in uu Noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyadoo Shariif Xasan uu horay u noqday Gudoomiyaha Baarlamanaka Soomaaliya xilligii dalka uu Madaxwaynaha ka ahaa C/laahi Yusuf Axmed.

Xafiiska wararka Bartamaha ee Muqdisho.

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: