Gudoomiyaha baarlamaanka oo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho
Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii ay baryahaan socdaal ku joogay waddanka Uganda oo kulan lasoo qaatay madaxda dalkaas.
Waxaana ayraboorka ku soo dhaweeyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka iyo masuuliyiin kale oo dawlada ka tirsan.
Ugu hareyntii ayaa waxaa Saxaafadda la hadlay Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Guddiga arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ee Baarlamaanka Soomaaliya kana warbixiyay sida ay u arkaan Guddiga Safarka Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Waxaana uu Dalxa sheegay in gudoomiyuhu uu ka shaqaynayay arrimo khuseeya danaha baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale arrimo ku aadan xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dalka Uganda oo ay ciidamada ugu badan ee AMISOM ka joogaan waddanka Soomaaliya.
Dhinaca kala Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cumaan Jawaari ayaa waxa uu ka warbixiyay Safarkii uu ku gaaray Magaalada Kampala ee Dalka Uganda iyo Kulamadii uu la soo qaatay Mas’uuliyiinta Dalkaasi waxyaabihii looga hadlay.
Comments
comments