Guddoomiyaha baarlamaanka Britain oo is casilay
BBC Somali — Markii ugu horeysay in ka badan saddex boqol oo sano ayaa guddoomiyaha baarlamaanka Britian waxaa lagu qasbay in uu xafiiska isaga dego.
Guddoomiyaha baarlamaanka Britian, Michael Martin, ayaa ku dhawaaqay inuu xafiiska isaga tagayo 21 bisha soo socota uu June.
Is casilaadda guddoomiyaha ayaa timid kadib markii dhaleeceyn culus ay uga timid xildhibaanada iyo xisbiyada siayaasadda oo ku saabsan qarashaadka mudanayaasha baarlamaanka ay sheegteen.
Qaar badan oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ayaa ku tilmaamay in guddoomiyuhu caqabad ku ahaa in wax laga beddelo nidaamka ay xildhibaanadu u soo sheegtaan qarashaadka.
Comments
comments
Category : Wararka Maanta.