Guddiga Howlaha Guud iyo Gaadiidka Baarlamaanka oo diiday heshiis ay dawladu la saxiixatay shirkad ajnabi ah
Guddiga Howlaha Guud iyo Gaadiidka Baarlamaanka ayaa ka soo horjeestay Heshiis Xukuumadda Soomaaliya ay la gashay Shirkad Turki ah oo Maamuleysa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.
Guddoomiyaha Guddiga Howlaha Guud iyo Gaadiidka Baarlamaanka Xildhibaan Cismaan Aadan Dhuubow oo Maanta Saxaafadda Shir Jara id ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ay ka soo hor jeesteen Heshiis Xukuumaddu ay la gashay Shirkad FAVORI oo laga leeyahay waddanka Turkiga si ay uga shaqeyso Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanka ayaa tilmaamay in Xukuumadda Soomaaliya ay sameysay qiyaano Qaran isla markaana aan la soo gaarsiin Baarlamaanka Heshiiska ay la Saxiixatay Shirkaddaasi lagu Magacaabo FAVORI.
“ Waxaa nagu Maqaala ah in Shirkadaan 15/09/2013 ay la wareegeyso Howlaha garoonka , waana sharci darro , waayo Baarlamaanka Ma soo marin” ayuu yiri Xildhibaan Cismaan Aadan Dhuubow Guddoomiyaha Guddiga Howlaha Guud iyo Gaadiidka Baarlamaanka.
Sikastaba Shirkadaan FAVORI ayaa la aasaasay Bishii Janaayo ee 2013 iyagoo aan weli wax shaqo ahna ka qaban Garoon Diyaaradeed.
Comments
comments