Guddi heer wasiiro ah oo loo saaray sanad guurada Puntland
Maanta oo ay taariikhdu tahay 10 bisha july 2014 waxaa xarunta madaxtooyada puntlnad ku shiray golaha wasiirada dawladda puntland shirkaas oo khamiis’le ah iyadoo dood dheer iyo falanqeyn laga yeeshay xaalada dalka, ka dib waxaa ka soo baxay qodobada hoos ku qoran.
Hadab Halkaan Hoose ka akhriso Warsaxafadeedka Dowladda oo dhamaystiran.
Kulankii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland Ee Khamiislaha Ahaa
WAR-SAXAAFADEED
Maanta oo ay taariikhdu tahay 10 bisha july 2014 waxaa xarunta madaxtooyada puntlnad ku shiray golaha wasiirada dawladda puntland shirkaas oo khamiis’le ah
iyadoo dood dheer iyo falanqeyn laga yeeshay xaalada dalka, ka dib waxaa ka soo baxay qodobada hoos ku qoran
- Xaalada amniga Puntland marka loo eego xaalada guud ee soomaaliya waxay mareysaa meel aad u wanaagsan kaasoo shacabka Puntland iyo hey’adaha kale ee Puntland ku sugan loo cadaynayaa in amaanka guud sugan yahay.
- Dawladda puntland iyadoo lagu jiro bishii ramadaan ayna tahay bisha ay kooxaha nabad’diidku dhibaatooyin geystaan bishaan gudaheeda, waxay Dowladda Puntland kor u qaaday dhamaan laameheeda amniga dalka.
- Dawladda puntland waxay isu diyaarinaysaa soo dhaweynta Aasaaskii puntland oo ay ka soo wareegtay 16 sano, isla-markaana waxaa golaha wasiiradu u magacaabeen guddi heer wasaarado ah oo kala ah wasaarada maaliyada ,wasaarada howlaha guud, wasaarada war’faafinta, wasaarada amniga , wasaarada arrimaha gudaha, wasaarada shaqada iyo shaqaalaha, wasaaradda haweenka iyo Wasaaradda waxbarashada.
Sidoo kale waxay dawladda puntland ugu baaqaysaa dhamaan jaaliyadaha puntland ee aduunka inay u diyaar garoobaan xuska maalinta 1 August oo ah waqtigii la asaasay Dawlada Puntland.
- Waxay golaha wasiiradu dhowaan soo bandhigi doonaan dib habayn ay wado Dowladu oo lagu samayn doono qaybaha kala ah .
- Shaqaalaha Dawladda Puntland.
- Ciidamada Dalka.
- Caddaaladda Iyo Garsoorka.
- Dhaqaalaha Iyo Horumarinta Hannaanka Cashuuraha. - Golaha wasiiradu waxay maanta Ansixiyeen hanaanka siyaasada maamul baahinta iyadoo la dhaqan-galinayo qodoba dastuuriga ah ee 120,122,123, siyaasaddaan oo fududeyneysa taageerada uu bixiyo mashruuca JPLG ee horumarinta degmooyinka Puntland.
- Waxaa golaha wasiiradu qiimeyn ku sameeyeen cabashadii iskaashatada gaadiidka Puntland, waxaana la isku raacay in la xalliyo dhibaatooyinka ay ka cabanayaan iyadoo lahubinayo inta ay le’eg tahay baaxadda dhibaato ee ay ka cawdeen, waxaana si gaar ah loogu xil saaray wasaaradaha kala.
Wasaaradda Hawlaha Guud .
Wasaaradda Maaliyadda.
Wasaaradda Ganacsiga.
Wasaaradda Dekedaha. - Waxaa goluhu war-bixin dheer ka dhageystay wasiiradii ka soo laabtey safarkii shaqo ee ay ku tageen magaalada Kismaayo ee xarunta Dowladda Jubbaland, iyagoo golaha horkeenay qodobada heshiis wadaag ah oo ay wada qaateen Puntland iyo Jubbaland, isla markana waxaa golaha xukuumaddu ay soo dhoweeyeen heshiiskii dhowaan dhex maray Puntland iyo Jubbaland.
Sidoo kale waxaa goluhu war-bixin ka dhageysay wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda oo safar shaqo ku tagay dalalka jabuuti iyo yamen isla markaana lasoo saxiixday heshiishyo is-kaashi xaga kaluumaysiga iyo khayraadka badda ah.
Comments
comments