Greece:Jaaliyadda Soomaalida oo Maamul cusub sameystay.
Bartamaha- (Athens, Greece)-Bishaan April Bilawgaeedi waxaa magaalada Athens ee dalka Giriigga ka dhacay shir ballaaran oo ay ka soo qayb galeen dhammaan qeybaha Kala duwan ee bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Giriigga.
Ujeedada shirkaas ayaawaxay ahayd in loo magacaabo maamul cusub jaaliyaddii hore ee Soomaalida dalka Giriigga, kadib markii la isku raacay in si rasmi ah loo baddalo dhammaan maamulkii hore ee jaaliyadda, waxaa si habsami ah u bilaabatay codayntii doorashada taasoo lagu doortay maamul cusub, ayadoo maamulkii hore ay si rasmiya ku wareejiyeen guddoonka maamulka Jaalliyadda masuuliyiintii xilka loo doortay.
Waxaa arintaan si aad ah u soo dhaweeyey dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Giriigga, kuwaasoo in muddo ah ku taamayay in la helo hoggaan karti iyo aqooni ku dheehantahay oo hogaamiya jaaliyadda.
Waxaa kaloo arintaan si aad ah u soo dhaweeyey, hay’ado dawli ah iyo kuwo aan dawli ahayn oo aad u daneeya arimaha Soomaalida oo  dalkoodii ka soo haajiray isalamrkaana firxad ku tagay dhamaan daafaha Caalamka, iyadoona ay waayadan dambe isa soo tarayaan Soomaalida beegsanaysa wadanka Giriigga.
Hayadaha Soo dhaweeyay arintaasi ayaa bulsahada Soomaaliyeed uga mahad celiyay qaabka wanaagsan ee ay u samaysteen inay helaan cid ay kala arinsadaan arimaha soomaalida ku dhaqan dalka Giriiga
Xubnaha Maamulka Cusub.
1. Gudoomiyaha Jaaliyadda: Cali Gaws Jaamac
2. G. ku xigeenka Jaaliyadda: C/Qadir Axmed Maxamed
3. Xoghaynta Guud ee jaaliyadda: Anwar Nuur Abuukar
4. Madaxa Maaliyadda Jaaliyadda: Xassan Yusuf Xaaji
5. Madaxa Xiriirka Dibadda: Sh. C/Lahi Siciid Aw Cali
6. Gudoomiyaha Golaha dhexe: Cabdi Maxamed Xaashi (Canshuur)
7. Madaxa Arimaha Bulshada: Igllan C/Salaan Maxamuud
8. Ku xigeenka Madaxa Maaliyadda: Jamiilo Cumal Xassan.
Guddigan haatan loo doortay inay hogaamiyaan Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Giriiga ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo baryahaan dambaba ay isa soo tarayeen Soomaalida Muhaajiriinta ah ee galaya Waddan Giriigga oo ku yaalla Koonfur  bari qaaradda Yurub, iyadoo looga fadhiyo markaasi qaabkii ay siugu xiri lahaayeen hayadaha dadka Soo galootiga ah iyo dawladda dalkaasi oo goor sii horeysay kulan gaara uu Baarlamaankeedu la qaatay Jaaliyadda Soomaalida.
Waxaa Qorey Cabdiqafaar Axmed Shire.
Bartamaha, Somali Breaking News and Video Community.
East africa Office in Nairobi, Kenya
Comments
comments