Gollaha Luuqadda Soomaaliga Ee Xuduudaha Ka Tallaba.
Bilawgii qarniga 21aad, ayuu ururka Midawga Afrika (AU) ku baraarugay qiimaha afafka, gaar ahaan kuwa lagaga hadlo Qaaradda Afrika. Sidaa aawadeed, Ururku waxa uu yagleelay akaademiyad ka shaqaysa daryeelka afafka Afrika oo loo yaqaan ACALAN. Dedaalkii iyo waxqabadkii ACALAN waxa ka soo baxay tirokoob ku saabsan Afafka Afrika oo lagu soo xulay kow iyo afartan af (41) oo lagaga hadlo labo dal iyo in ka badan. Warbixin ay ACALAN soo saartay February 2009kii, waxa ay ku caddaysay in 41kaa af laga soo dhex saaray labo iyo toban (12) af oo loo arkay in ay yihiin kuwa xuduudaha ugu badan ka gudba. Haddaba Afsoomaaligu waxa uu noqday mid ka mid ah saddexda af ee ka soo baxay Bariga Qaaradda (Malagasy, Kiswahili iyo Soomaali).
Haddaba ACALAN iyada oo la kaashanaysa Jaamicadda Jigjiga, waxay qabatay kulankii ugu horreeyay oo lagu abuuray Guddiga aan xuduudda lahayn ee Afsoomaaliga. Kulankan oo socday ayaamihii u dhexeeyay April 11 illaa 13, waxa uu noqday mid taariikhi ah oo sugay qiimaha afsoomaaliga iyo sida ay dunidu iskaga xilqaadday. Shirka waxa lagu qabtay Hotelka Xamda ee Jigjiga, waxaa na wada hagayay Xoghaynta Fulineed ee ACALAN iyo Jaamacadda Jigjiga.
Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee shirka ka soo qaybgalay waxa ka mid ahaa ; Prof. Cabdalle Cumar Mansuur, Prof. Siciid Saalax Axmad, Prof. Maxamad Daahir Afrax, Aw Jaamac Cumar Ciise, Prof. Maxamad Xuseen Raabbi, Prof. Cabdinaasir Axmad Ibraahim, Aadan Xasan Aadan, Aamina Muuse Weheliye, Beddel Cabdillaahi Geelle iyo kuwo kale oo badan. In kaste oo ay aqoonyahanka qaarkood ka yimaaddeen meelo aad u fog oo dunida daafaheega ah, haddana, badankoogu waxa ay ka kala yimaaddeen dalalka afsoomaaliga lagaga hadlo ee Geeska Afrika.
Gellinkii hore ee maalinkii shirka u horreeyay waxa uu ahaa furitaan iyo isbarasho, gellinkii danbe na, waxa lagu falanqeeyay adeegsiga afsoomaaliga ee dal kaste oo lagaga hadlo Geeska Afrika; guulaha la gaadhay iyo kadaraha wiiqaya ama hor taagan. Waxa kale oo fursad la siiyay aqoonyahankii ka kala yimid qurbaha oo ka warramay waayaha afsoomaaliga ee dalalka shisheeye iyo dedaalka ay jaaliyadaha Soomaaliyeed ugu jiraan ilaalinta iyo badbaadinta afkooga hooyo. iyo waayihiisa dal walba oo lagaga hadlo.
Maalinkii labaad ee shirka, waxa la ansixiyay oo la isku raacay xubnaha Guddiga aan xuduuda lahayn ee Afsoomaaliga oo iyana doortay guddoomiye iyo xoghaye. Xubnaha Guddiga la doortay waxay kala yihiin :
1- Prof. Cabdinaasir Axmad Ibraahim,
2- Prof. Maxamad Daahir Afrax,
3- Prof. Cabdalle Cumar Mansuur,
4- Prof. Siciid Saalax Axmad,
5- Prof. Maxamad Xuseen Raabbi,
6- Prof. Mustafe Cabdullaahi Cali Feyruus,
7- Aadan Xasan Aadan,
8- Aamina Muuse Weheliye,
9- Beddel Cabdillaahi Geelle,
10- Axmaddeeq Maxamad,
11- Xubintaan waxaa loo baneeyey Soomalida Kenya,
12- Xubintaanna waxaa iyana loo baneeyey Soomalida Kenya,
Guddigu kulankoogii u horreeyay ba waxa ay Dr. Cabdinaasir Axmad Ibraahim (Guddoomiyaha Jaamacadda Jigjiga) u doorteen in uu noqdo Guddoomiye, halka ay Dr. Maxamad Daahir Afrax na u doorteen in uu noqdo xoghaye. Intaa ka dib, waxa uu Guddigu yeeshay kulanno xidhiidh ah oo lagu diyaariyay la iskula na meel dhigay qorshehawleed socon doona saddexda sano ee innagu soo fool leh.
Qorshaha uu Guddigu ku hawlgali doono, waxa si cad uga dhex muuqda;-
Qabyotirka qoraalka farsoomaalida.-
Kobcinta cilmibaadhista la xidhiidha afsoomaaliga. -
Hirgelinta go’aannadii hore loo gaadhay ee la xidhiidhay afka iyo naxwihiisa.-
Dhiirrigelinta buugfaafinta iyo tarjumaadda.-
Wacyigelinta soomaalida iyo in la dareensiiyo qiimiga afkoogu leeyahay. -
Dawladaha afsoomaaliga lagaga hadlo, in lagu dhiirrigeliyo sidii ay afsoomaaliga uga geliyaan manhajyadda dugsiyada lagu dhigo.-
In goluhuiskaashi la sameeyo guddiyada kale ee afafka Afrika.
Shirka oo ku dhammaaday guul iyo rayrayn, waxa lagu kala tegay in sida ugu dhakhsaha badan la iskugu soo noqdo sidii loo hirgelin lahaa qorshahaa.
Fojignaan: Saxaafadda soomalida waa u fasax tahay in ay daabacdo warbixintaan, waxaana laga codsanayaa in ay xil iska saaraan in ay faafiyaan, waxa laga hadlayo waaluuqadeena hooyo, ee sharafka badan, walaalka afsoomaliga ku hadloow fadlan xil iska saar.
Wixii warbaahinta ah ee arrintaan doonaya in ay faahfaahin ka helaan, fadlan kala soo xiriir Amina Muuse Weheliye oo xubin ka ah guddigga afsoomaliga ee la aasaasay.
Cinwaankeeduna waa sidaan:
Mahadsanidiin.
Comments
comments