Golaha Wasiirrada oo la kulmay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka.
Kulan aan caadi ahayn oo ay maanta isugu
yimaadeen Golaha Wasiirrada ayaa looga hadlay xaaladda abaarta iyo
gaarsiinta gargaarka dadka dhamaan gobolada dalka ee ay ka jiraan abuuraha,
waxayna kula kulmeen mas’uuliyiinta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka,
iyagoo su’aalo ka weydiiyay qaabka ay Hay’addu u waddo qeybinta gargaarka
ka imaanaya walaalaha caalamka ee soo gaaraya caasimadda.
Shirkan oo uu shir guddoominayay kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka
Gaashaandhgga Mudane Xuseen Carab Ciise ayaa Golaha Wasiirradu waxay
su’aalo ka weydiiyeen madaxa hay’adda Maareynta Musoobooyinka Mudane
Cabdullaahi Shirwac hannaanka ay u maraan in gargaarku gaaro dadkii loogu
talogalay, qaabka ay ku xushaan meesha ay gargaarka gaarsiinayaan iyo sida
ay ku hubiyaan inuu gaaray gargaarkii la diray, iyo arrimo kale oo khuseeyo
howlaha Hay’adda.
Warbixinta Hay’adda ayaa taabaneysay meesha ay marayaan howlahaas iyo
caqabadaha ka hor yimaada inta ay gudanayaan howlahooda. Hay’addu waxay
sheegtay in gargaarku si dardar leh loo qeybiyo, balse ay jiraan tallaabooyin
lama-huraan ah oo ay tahay in la maro ka hor intaan gargaarka la qeybin, sida
dajinta iyo isu dheelli-tirka noocyada gargaarka, waayo mararka qaarkood
waxaa la keenaa raashiin hal nooc ah oo u baahan in lala qeybiyo nooc kale,
arrimahaas oo laga yaabo inay qaataan waqti.
Golaha Wasiirradu waxay ka dalbadeen Guddiga Abaaraha ee heerka wasiir iyo
Hay’adda inay sii laba-jibbaaraan howlaha lagu qeybinayo gargaarka si wax
loogu qabto dadka baahan, isla markaana waxay ka dalbadeen Guddiga
Wasiirrada inay warbixin ku soo gudbiyaan kulanka ugu horreeya ee Golaha
Wasiirrada. Golaha Wasiirradu waxay u ballanqaadeen in wasaaradaha ay
khuseyso arrimaha gargaarka ay kala shaqeyn doonaan Hay’adda sidii loo
fududeyn lahaa gaarsiinta gargaarka.
Ugu dambeyntii, Hay’adda Maareynta Musiibooyinka waxay ballanqaadday inay
soo gudbin doonto warbixin guud ee Hay`adda horraanta bisha soo socota.
-DHAMAAD -
xafiiska wararka bartamaha muqdisho
Comments
comments