Calendar

Golaha wasiirrada oo ansixiyay heshiiskii Addisaba shalay ka dhacay iyo qorshaha 4-ta sano ee booliska

Wasiirada_DFS_Ansixin_heshiis_1Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, kaasoo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, iyadoo looga dooday qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen heshiiskii ka dhacay magaalada Addis ababa, iyo qorshaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa waxaa ugu horeyntii goluhu warbixino uga dhegeysteen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga mudane Cabdikariin Guuleed, wuxuuna uga waramay xaaladda amniga dalka, isaga oo xusay in todobaadyadii ugu dambeeyey ciidanka amnigu ay xaqiijiyeen sugida amniga dalka, gaar ahaana caasimadda.

Kulanka ayaa markii uu soo gabagaboobay waxaa warbaahinta uga warbixiyay afhayeenka Xukuumada Mudane Ridwaan Xaaji Cabdiweli isaga oo tilmaamay in kulanka golaha diirada lagu saaray amniga.

Afhayeenka ayaa xusay in golaha Wasiirada ay ka doodeen heshiiskii magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya ku dhex maray dawladda Federaalka Soomaaliyeed iyo hogaanka maamulka Jubba, waxayna golaha Wasiirada soo dhoweeyeen isla markaana ansixiyeen heshiiskaasi.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in golaha Wasiiradu ay ansixiyeen qorshaha Boliiska ee 4-ta sano ee soo socota lagu maamuli doono, kaasoo ah qorshe lagu horumarinayo tirada, tayada iyo tababarka ciidanka Boliiska ee ka howlgala dhamaan gobolada dalka Soomaaliya.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: