Golaha Wasiiradda XKMG ah oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho iyo Warsafaadeed
War-Saxaafadeed
Muqdisho, 25 August 2011 Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Xuquuqul Insaanka, arrimaha Amniga, iyo arrimaha Gargaarka Bani’aadanimo.
Golaha Wasiirada waxey taci u direen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Xassan Maxamed Jimcaale oo hooyadiis Muslimo Cabdulle Ciyow oo ku geeriyootay magaalada Muqdisho 22kii August 2011.
Golaha Wasiirada waxey maanta warbixin ka dhageysteen Safiirka Soomaaliya u Fadhiya Qaramada Midoobey ee Geneva Mudane Yusuf Mohamed Isma’il (Bari-Bari) oo ka warbixiyey warbixintii ay Dowladda Soomaaliya ka horjeedisay Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey ee Geneva 3dii May 2011 ee ku aadaneyd xaaladda dhabta ah ee arrimaha Xuquuqul Insaanka ee dalka.
Golaha Xuquuqul Insaanka ku ammaanay dowladda Soomaaliya, isla markaana ay golaha QM dowladda Soomaaliya u soo gudbiyeen 155 tallooyin oo uu safiirku sheegay in loo baahanyahay in Dowladda Soomaaliya ay ka baaraandegaan ka dibna ay warbixin ku wajahan tallooyinkaas iyo waxa laga qaban karo loogu soo gudbiyo Golaha Xuquuqul Insaanka ugu danbeyn 2da September.
Safiirka ayaa sheegay in Golaha Xuquuqul Insaanka ay 5 jeer go’aamiyeen in Dowladda Soomaaliya laga saacidayo sidii ay hay’adaheeda u fulin lahaayeen arrimaha Xuquuqul Insaanka. Golaha Wasiiradu waxey u mahadceliyeen Safiir Bari-Bari iyo warbixintiisa.
Guddiga heer wasiir ee arrimaha amniga iyo xasilinta Muqdisho ayaa laga dhageystey warbixin iyo talo soo jeedin ku wajahan sidii loo xasilin lahaa magaalada Muqdisho. Golaha Wasiirada ka dib markii ay dhageysteen warbixinta guddiga waxey isku raaceen:
1- in aan marnaba la aqbali karin Isbaaro, lana amray in dhammaan Isbaarooyinka magaalada laga wada qaado. Cidii Isbaaro dhigatana la horgeeyo maxkamadda ciidamada.
2- In guddiga ay ka soo talo bixiyaan sidii si deg-deg ah loogu furi lahaa dhammaan jidadka magaalada iyo Suuqyada sida suuqa bakaaraha.
3- In la xoojiyo ciidamada roondooyinka ah, oo aan la oggolaan cid hub ku dhex sidata magaalada gudaheeda.
4-In dhammaan dhismayaasha iyo goobaha dowladda aan loo oggolaan in shacabku dego, si ay hay’adaha dowladdu dib uga howlgalaan goobahaas.
Guddiga heer wasiir ee arrimaha abaaraha ayaa iyagana laga dhageystay warbixino, ka dibna golaha wasiiradu waxey isku raaceen in kormeer joogta ah lagu sameeyo xerooyinka barakacayaasha oo laga warqabo xaaladdooda dhabta ah, iyo in amniga xerooyinka la adkeeyo oo aan marnaba la aqbali karin in hub lagu dhex sito xerooyinka dhexdooda oo dhammaan falalka danbi ee ka dhaca xerooyinka la baaro, cid allaale iyo cidii ka danbeysana la horgeeyo maxkamadda.
-DHAMAAD -
Xigasho Xafiiska Ra’iisal wasaraaha Soomaaliya
W/D:Xafiiska Wararka Bartamaha Muqdisho Soomaaliya
Comments
comments