Calendar

Golaha Wasiirada oo maanta fadhi ku yeeshay Muqdisho

222222222222222222222Muqdisho Bartama.com ) Shir aan caadi ahayn oo ay Golaha Wasiiradu yeesheen maanta oo uu Shir-guddoominayey Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay xaaladda amniga ee magaalada Muqdisho kadib markii shalay Al-Shabaab magaalada laga xorreeyey Shalay.

Ugu horreyntii golahu waxay hambalyo u dirayaan geesiyaasha ciidamada Dowladda Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM oo ku guuleystay dagaaladdii kana saaray magaalada Muqdisho kooxda Al-Shabaab. sidoo kale Golahu waxay hambalyo u dirayaan dhammaan shacabka soomaaliyeed, uguna baaqayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan oo garab is-taagaan cid allaale iyo cidii isku dayda inay amni daro ka samayso dalka.

Xukuumaddu waxay u direysaa baaq nabadeed dhammaan dhalinyaradii ka tirsaneyd Al-Shabaab kana Codsanaysaa inay ku soo biiraan waalahood, loona soo dhoweyn doono si xushmad leh.

Goluhu waxay isku raaceen in si deg-deg ah loo sameeyo ciidan gaar ah oo qaabilsan sugidda amniga iyo la dagaalanka burcadda iyo in maxkamad gaar ah loo sameeyo arrimaha sugidda amniga Muqdisho. in amniga la xoojiyo iyo in hay’adaha gar-gaarka ay si nabadgelyo ah u gutaan howlahooda muhiimka ah si loo badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed. Suggida amniga waxaa mas’uul ka ah hay’adaha amniga ee dowliga ah oo kaliya, majiri doonaan, mana la aqbali doono ciidan aan ka tirsaneyn ciidanka dowladda inay ka howlgalaan magaalada.

Goluhu waxay si adag u cambaareeyeen falkii ka dhacay xerada Badbaado 5tii August 2011 oo ay ku geeriyoodeen Seddex qof, kuna dhaawcmeen Shan qofood. Goluhu waxay sheegeen inuu falkaas ahaa mid dhaawac u geystay sumcaddii iyo sharaftii ummadda Soomaaliyeed. islamarkaana Maxkamad la horkeeni doono cid allaale iyo cidii ka danbeysay falkaas.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa isla Shantii August u xilsaaray Taliyayaasha Booliska iyo Nabad-Sugidda iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir inay baaritan dhab ah ku sameeyaan dhacdadaas foosha xun.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: