Golaha Wasiirada Dowlada Soomaaliya oo maanta la soo bandhigay isku shaandheyntooda iyo wasiir dowlayaal la magacaabay(ka daalaco halkan Magacyada Wasiirada).
Muqdisho:-Golaha Wasiirada Dowlada Fd Soomaaliya ayaa maanta la soo bandhigay qaabkii jagooyinka la iskugu weydaariyay iyadoo Wasiiro Dowlayaal markii ugu horeysay la magacaabay.
Magacyada Wasiirada iyo qaabkii jagooyinkooda la isku weydaariyay:-
- R/W ku xigeen Ahna wasiirka Maaliyadda-Shariif Xasan Sheekh Aadan.
- R/W ku xigeen Ahna wasiirka kaluumaysiga iyo qeyraadka Badda- Prof. C/raxmaan Aadan Ibraahim Ibbi.
- R/W ku xigeen Ahna Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Shidaalka- C/Waaxid Cilmi Goonjeex.
- Wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha-Sheekh C/qaadir Cali Cumar.
- Wasiirka Wasaaradda Arimaha dibadda-Cali Jaamac Jangale.
- Wasiirka Cadaalada iyo garsoorka-C/raxmaan Max’uud Faarax Janaqow
- Wasiirka wasaaradda Amniga qaranka- C/laahi Max’ed Cali Sanbaloolshe.
- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga- Cabdala Bos Axmed.
- Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta qaranka – C/raxmaan c/shakuur warsame.
- Wasiiradda Wasaaradda arimaha Haweenka iyo qoyska-Fowsiyo Max’ed Sheekh.
- Wasiirka Wasaaradda dhaqan Celinta iyo naafada-Max’ed Cali Ibraahim.
- Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo arimaha faderaalka-Madoobe Nuunow Max’ed.
- Wasiirka wasaaradda gargaarka Caalamiga-Dr. Max’uud Cabdi Ibraahim.
- Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo arimaha diinta-Sheikh Nuur Cali Aadan.
- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta-Daahir Max’uud Geele.
- Wasiirka wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda- C/casiis Xasan Max’ed.
- Wasiirka Wasaaradda xanaanada xoolaha-Abuukar Cabdi Cusmaan.
- Wasiirka Wasaaradda Beeraha- Max’ed Ibraahim Xaabsade.
- Wasiirka Wasaaradda hantida Qaranka iyo qalabeynta Max’ed Mursal.
- Wasiirka Wasaaradda hidaha iyo Tacliinta sare-Pro. Ibraahim Xasan Cadoow.
- Wasiirka Wasaaradda cilmi Baarista iyo Tignoolojiyada-Max’ed Cali Xayaad.
- Wasiirka wasaaradda macdanta iyo biyaha-Max’ed C/laahi Oomaar.
- Wasiirka Wasaaradda dalxiiska iyo duurjoogta-Max’ed Xuseen saciid.
- Wasiirka Wasaaradda dib u dhiska-Xuseen Ceelaabe Faahiye.
- Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta-C/Risaaq Cusmaan Jurile.
- Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha-Max’ed Cabdi Maareeye
- Wasiirka Wasaaradda dib u heshiisiinta Nadeynta C/rashiid Xaaji deeq
- Wasiirka wasaaradda Caafimaadka-Qamar Aadan Cali.
- Wasiirka Wasaaradda ganacsiga-C/Rashiid Max’ed Cabdi Cirro.
- Wasiirka Wasaaradda isboortiga iyo Dhalinyarada-Sulaymaan Colaad Rooble.
- Wasiirka Wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka- Max’ed Cabdi Gaandhi.
- Wasiirka Wasaaradda jaaliyadda Dibadda-C/laahi Axmed Cabdule As,hari
- Wasiirka Wasaaradda howlaha Guud iyo gurayeynta-Max’ed Cabdi Yuusuf.
- Wasiirka Wasaaradda Warshadaha-C/Raxmaan jaamac Cabdala.
- Wasiirka Wasaaradda deegaanka iyo ilaalinta dhirta-Burci Max’ed Xamsa.
- Wasiirka Wasaaradda Lacagta C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.
- Wasiirka Wasaaradda Hub ka dhigista iyo jiheynta Maleeshiyaadka Farxaan Cali Max’uud.
- Wasiirka Wasaaradda hormarinta Reer miyiga-Qadiijo Max’ed Diiriye.
- Wasiirka Waxbarashada Axmed C/laahi Waayeel.
Dhinaca kale wasiiro Dowlayaasha la magacaabay waxa ay kala yihiin:-
- Wasiir dowlaha Gaashaandhiga Sheekh Yuusuf Max’ed Siyad Indha Cadde.
- Wasiir dowlaha Madaxtooyada Xasan Macalin
- Wasiir dowlaha Xafiiska Raiisul wasaarah Qaalid Cumar Cali.
- Wasiir dowlaha arimaha gudaha C/raashiid Max’ed Xidig.
- Wasiir dowlaha Dastuurka iyo arimaha federaalka C/laahi Yuusuf Cigaal.
Wasiirada Dowlada Fd Soomaaliya ayaa qaar badan oo ka mida waxaa si rasmi ah loo isku dhaafiyay jagooyinkooda iyadoo boobta ay ku soo biireen wasiiro cusub oo aan horey jagooyin u qaban.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments
Category : Featured, Wararka Maanta.