Calendar

Golaha Wasiirada Dowlada KMG ah oo ansixiyay in lacag Cusub la soo daabaco.

WasiirasadaBartamaha(Muqdisho):-Golaha Wasiirada Xukumada Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah isku raacay in Dalka uu yeesho Lacag Cusub.

Kulan ay yeesheen Gobolaha Wasiirada Dowlada Soomaaliya ayaa waxa ay ku ansixiyeen Lacag dhawaan ay Wasaarada Maliyada doonaysay in ay u soo daabacdo Soomaaliya si looga dhaqan galiyo lacagtaasi.

Golaha Wasiirada ayaa si toos ah u ansixiyay lacagtaasi in dalka loo soo daabaco xilli Wasaarada Maaliyada ay ku mashquulsantahay samaynta lacagtaasi.

Afhayeenka Xukuumadda KMG ee Soomaaliya C/qaadir Wilaayo waxa uuna sheegay in Wasiirada dhammaan ay ansixiyeen in lacag cusub dalka loo sameeyo.

Golaha Wasiirada ayuu sheegay afhayeenka in ay falanqeyn ka dib ay ogolaadeen in dalka lacag loo sameeyo maadaama xiligan aanay jirin lacag rasmi ah oo la isku badalankaro .

Lacagta samaynteeda ayaa waxaa ka soo horjeestay dhinacyo badan oo soomaali ah iaydoo ganacsatada bakaaraha iyo kuwa kale ay ka digeen keenida lacagtaasi oo Qatar badan keenaysa.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: