read more »">
Calendar

Golaha ammaanka oo wakhtiga u kordhiyay gudiga kormeera cunaqabatataynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea

0000093292-unnati013-004Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa cambaareeyay jabinta cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea, iyadoo la sheegay in labada waddanba uu hubku ku sii qulqulo.

Go’aan ay isku raaceen dhammaan xubnaha 15-ka ah ee golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa lagu cambaareeyay hubka ku sii qulqulaya labadan dal oo la sheegay inuu yahay khatar dhanka ammaanka ah oo soo foodsaartay gobolka.

Golaha ayaa sheegay inay sideeda sii ahaan doonto cunaqabataynta dhanka hubka ah ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea, balse waxaa la cadeeyay in laga khafiifiyay dawlada Soomaaliya oo ay lasoo dagi karto qalab ciidan iyo sidoo kale taageero iyo tababar lasiiyo ciidanka Soomaaliya ilaa iyo inta laga gaarayo March 6, 2014.

Golaha ayaa sidoo kalana walaac ka muujiyay dhoofinta dhuxusha ee sii socota, iyagoo sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan ciddii ku xadgudubta xayiraada saaran dhoofinta dhuxusha.

“Hadii ay sii socoto dhoofinta dhuxushu waxay keeni doonta jarida dhirta oo lama dagaan ka dhigi doonta dhul gaaraya 1,750 square kilometers oo ka wayn dhulka ay ku fadhido magaalada Houston ee gobolka Texas ee waddanka Maraykanka” ayaa lagu yiri warbixin loo akhriyay golaha.

Waxaa kale oogolahu go’aansadeen inay wakhtiga u kordhiyaan guddiga kormeerayaasha cunaqabataynta saaran Soomaaliya iyo Eritrea ilaa iyo Nov. 25, 2014.

Golaha ayaa sidoo kale ka digay in muranka dhinaca xadka ah ee u dhexeeya Eritrea iyo Djibouti ay khatar ku tahay amniga gobolka iyo kan caalamkaba.

Labada waddan ee Eritrea iyo Djibouti ayaa dagaal dhowr maalmood socday uu xadka ku dhexmaray ciidankooda sannadkii 2008-dii.

Dhanka kalana golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa ammaanay horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya ay gaartay sannadahan u dambeeyay kasoo ay ku tilmaameen inuu yahay mid la taaban karo.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: