Calendar

Golaha Amaanka Qaramada Midoobe ayaa Waqtiga u kordhiyay Ciidamada Soomaaliya Jooga Ee Amisom.

un-securityBartamaha(Muqdisho):-Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen wakiilada 15-Wadan ee Xubnaha  joogtada ah ee Golaha Ammaanka QM ayaa waxa ay kaga hadleen xaalada Soomaaliya ka soo cusboonaatay iyagoo isku raacay in waqtiga loo krdhiyo Ciidamada AMISOM.

 

Kulanka ayaa ahaa mid xasaasi ah oo ay wadamadaasi ay kaga tashanayeen dagaalada lagu hayo dowlada soomaaliya iyo Ciidamada Nabad ilaalinta u jooga soomaaliya kuwaasi oo ay sheegeen in ay muhiim tahay in la taageero dowlada iyo Amisom.

 

Wadamada 15ka ah ayaa waxa ay isku raaceen in mudada loo kordhiyo ciidamada Amisom iyagoo ilaa 8Bilood ay ugu dareen sii joogistooda dalka soomaaliya si ay u difaacaan dowlada iyo goobaha muhiimka ah .

 

Mudada loo kordhiyay ciidamada Nabad ilaalinta ayaa la sheegay in ay Qaramada Midoobe ay bixindoonto dhaqaalaha ay soomalaiya ku joogayaan askartaasi iyadoo ay sheegeen Golaha Ammaanka in muddo dhow ay ciidamadaasi soomalaiyta jooga ay helayaan dhaqaala dhawaan loogu yaboohay Biljamka.

 

Golaha Ammaanka ayaa waxa ay sidoo kale si kulul u canbaareeyeen kooxaha doonaya in xukumada caalamku taageersanyahay ay xilka ka tuuraan taasi oo ay sheegeen in si weyn arintaasi loo difaaci doono.

 

Ma aha markii ugu horeysay ee ciidamada Amisom mudada ay soomaaliya joogayaan la kordhiyo iyadoo dhawaanahan la hadal haayay in dowlada soomaaliya ay u hogaansami doonto hadalkii culimada oo ahaa in ay dalka ciidamadaasi isaga baxaan Muddo 4-Bilood ah taasi oo ay muujinayso in aanay waxka ka jireynin maadaama ilaa Sanada 2010 ay joogayaan ciidamadaasi Amisom.

 

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: