Calendar

Geerida ku timid Xusseen Samatar oo ay ka murugoodeen Soomaalida Maraykanka

Screen shot 2013-08-26 at 7.15.29 AMXuseen Samatar, ahaa shaqsigii ugu horreeyey oo Soomaali ah oo loo doorto in uu xubin ka noqdo guddiga maamula iskuullada waxbarashada magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota, ayaa shalay galinkii dambe geeriyooday, kaddib markii uu muddo la xanuunsanayey cudurka Kansarka oo dhuuxa ka haleelay [leukemia], sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dad qaraabadiisa ah.

Dhawaan ayaa dhuuxa lagabeddalay, iyadoona wixii waqtigaasi ka dambeeyey uu bartiisa Facebook-ga ku soo qori-jiray in uu dareemayo isbeddal caafimaad, hase ahaatee mar kale ayuu Xusseen dib ugu laabtay cusbitaalka oo si aad ah ugu xanuunsanayey maalmihii ugu dambeeyey.

Dadkii la shaqayn jiray Xusseen ayaa ku tilmaamay inuu ahaa nin wanaagsan oo ah hogaan ku dayasho mudan. Waxaana uu ahaa 45 jir si wayn uga soo dhexmuuqday bulshada gobolka Minnesota ee Soomaalida ugu badan dalka Maraykanka ay ku noolyihiin.

Xuseen Samatar, Sidoo kale waxaa uu ahaa  nin u dhaqdhaqaaqa ardayda iyo dadka dalka ku cusub, isagoo madax ka ahaa hay’ad  lagu magacaabo African Development Center, taasi oo caawisa ganacsatada yaryar, si loo kobciyo dhaqaalohooda, islamarkaana nolol loogu abuuro.

Soomaalida waddanka Maraykanka ayaa si wayn uga murugooday geerida ku timid Xuseen Samatar oo la filayay inuu meel sare ka gaaro siyaasada waddanka Maraykanka, waxayna qaar badan oo la hadlay Bartamaha ay sheegeen inay si kadis ah ku maqleen geeridiisa.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured.
« »

Comment: