Geedi oo eedayn kulul u soo jeediyay dawlada Soomaaliya
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa ku tilmaamay in koox dastuurka dalka diidanayd uu xukunkii gacanta u galay.
Isagoo ula jeeda ururka DAM-JADIID ee uu kasoo jeedo madaxweyne Xassan Sheekh ayuu ku tilmaamay inay horay ay ahaayeen kuwo dastuurka dalka iyo mabaadiida qarankaba kasoo horjeeday.
Waxaana uu ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya inuusan u dhaqmin sidii hogaamiye qaran balse wuxuu u xagliyay dhinaca qabiilka.
“Alshabaab ayaa magaalada habaynkii ka talisa iyaguna maalinkii bay ka taliyaan, waxaasna dawladnimo lama yiraahdo” ayuu yiri Cali Maxamed geedi.
Waxaana uu hadalkan ka jeediyay kulan xalay ka dhacay Nairobi oo ay ka qaybgaleen Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland iyo siyaasiyiin kale oo Soomaali ah.
Comments
comments