Garoonka Diyaaradaha Hargaysa oo dhawaan la xerayo.
Bartamaha (Hargaysa):-Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargaysa ayaa dhawaan albaabyada loo laabayaa ka dib go’aan ka soo baxay Maamulka Somaliland.
Maamulka Somaliland ayaa ku wargaliyay dhammaan Shirkadaha Duulimaadka in ay isku diyaariyaan duulimaad qaab cusub ah markii la go’aamiyay in la xero garoonka Hargaysa.
Wasiirka duulista Hawada ee Maamulka Somaliland ayaa u sheegtay shirkadaha in garoonka la xerayo Bilowga bisha October ee nagu soo aadan markii wasaarada dib u dhiska iyo Laamaha Socdaalka ay goosteen in la dhiso Garoonka.
Ogaysiis ku wajahanaa shirkadaha ayaa laga war helay in maanta uu si rasmi ah uga soo baxay laanta socdaalka Ee Maamulka Somaliland iyo wasaarada Duulimaadka iyo Saadaashada Hawada.
Go’aanka lagu goostay in la dhiso garoonka Diyaaradaha Hargaysa ayaa imaanaya xilli shirkado diyaaradeed badan ay goosteen in ay ka soo dagaan Garoonka Magaalada Barbara.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika
.
Comments
comments