Calendar

Garabka Mucaaradka Odayaasha Hawiye oo Eedeyn u jeediyay Qaramada Midoobay.

astaanBartamaha(Muqdisho):-Garabka mucaaradka ah ee o dayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa ku eedeeyay Q.M in ay sii hurineyso colaada ka jirta wadanka Somalia islamarkaana ay wado abaabul dagaal oo markale ka qarxa magaalda Muqdisho.

War saxaafadeed ay maanta ka soo saareen magaalada Muqdisho ayay ku sheegeen garabka Mucaaradka ah ee beelaha Hawiye in wakiilka Q.M u qaabishan Somalia Axmed Walad C/le uu wado qorshe markale dagaal looga hurinayo Somalia isagoo soo uruurinay lacag Malaayiin ah oo lagu fan gareeyo dagaal ka dhaca Somalia.

Odayaasha  ayaa warsaxaafadeedkooda waxaa sidoo kale ay ku sheegeen in dowladda Itoobiya ay ka dambeyso dagaalka ka socdo gobolka Hiiraan iyo guud ahaan gobolada dhexe.

Warsaxaafadeedka ay maanta soo saareen garabka Mucaaradka ah ee odayaasha beelaha Hawiye  ayaa waxaa ku saxiixnaa gudoomiyahooda  Suldaan Axmed dhoore.

Ma ahan markii ugu horeysay oo odayaasha beelaha Hawiye garabka Mucaaradka ah  ay ku eedeeyaan dowladda  Itoobiya in ay ka dambeyso dagaalka gobolada dhexe ku dhexmaraya ciidamada Ahlusunna iyo kooxda Al-shabaab.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: