Calendar

Ganacsatada Iibisa Bistoolahada iyo wax yaabaha baaruuda oo ka codsadey maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo inay u sameeyaan mudo kordhin.

kismayoBartamaha (Kismayo) Cabashadani kasoo yeeraysa   ganacsatada  yar yar   ee  iibisa  bustoolahada iyo wax yaabaha  baaruudo oo ay caruurta ku ciyaaraan  xiliyada iida ayaa timid  kadib markii ay dhawaan  wareegto ka soo baxdey  xafiiska  arimaha bulshada  ee maamulka islaamiga  ee magaalada kismaayo  oo looga digay  ganacsatadaasi   inay gabi ahaanba joojiyaan iibinta wal xaxa qarxa  sida  bastoolada  yar yar   ee  baaruuda  iyo  waliba wax yaaabaha  kala ee ay caruurta  xiliyada iida ,

Hasayeeshee waxaa tilaabooyinkaasi  cabasho  balaaran ka muujiyay gacansatadii  amarkaasi la siiyay iyagoona ka codsadey maamulka  kismaayo  inay u sameeyaan mudo  kordhin  gacansatada oo ku  doodaya   in qarash xoogan uu naga galey  wax yaaba haasi  qarxa  ayaa sheegay   inay si  sahal ah ku  joojin  Karin  arimo  la xariira  hoos u dhacay ku  imaanaya  dhaqdhaqaadooda  ganacsi

Hadalkani ka soo yeeray  ganacsatada iibisa   bustooladaha   iyo wax yaabaha  yar yar   ee  baaruudo ayaa ku soo beegmaye xili mudooyinkii ugu dambeeyay ay soo baxayeen  wareegtoon  ku  aadanaa  joojinta qalabkaasi oo ka soo baxaayay  xafiisyada  arimaha  bulshada iyo kuwa  ciidamada   ee maamulka islaamiga ee magaalada kismaayo  xili suuqyada iyo goobaha  laga dukaamaysto laga  dareemayo  dhaqdhaqaaq  ganacsi oo la xariiira ganacsatada  oo soo buuxdhaafisay  waxyaabo ay ugu  talagaleen soodhawaynta  ciidul  fidriga fooda nagu soo haysa  kuwaasoo ay kamid yihiin  aaladahani uu maamulka  mamnuucay.

Warar xaqiiq ah kala soco www.Bartamaha.com

Ismaaciil Cali

Kismayo-Somalia

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: