Ganacsatada Bakaaraha oo soo dhaweysay dib u furida Dakada Magaalada Muqdisho
Bartamaha(Muqdisho):-Ganacsatada Suuqa Weyn Ee Bakaaraha ayaa soo dhaweeyay dib u howlbilaabida Dakada Magaalada Muqdisho oo mudooyinkii la soo dhaafay khilaaf u xernayd.
Gudoomiyaha Gudiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa soo dhaweeyay dib u howlbilaabida Dakada Magaalada Muqdisho taasi oo khilaafka ay u xerantay Muqdisho laga dareemay.
Cali Maxamed Siyaad Cali Dheere Gudoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo dib u furida Dakada Muqdisho.
Cali dheere ayaa sheegay in suuqa si weyn looga dareemay xernaanshaha dakada ka dib markii uu sara u kac xoogan ku yimid sicirka kala duwan Ee Suuqyada Muqdisho.
Shalay galinkii danbe ayay dakada Muqdisho dib u howl bilowday ka dib xernaansho muddo Todobaad ah oo aanay shaqa ka jirin khilaaf xagga maamulka ah oo ka dhex dilaacayt Ganacsatada iyo Maamulka Dakada.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments