Calendar

Ganacsade Jabuutiyaan ah oo Dacwad ka gudbiyay Ismaacil Cumar Geele.

president_geele Bartamaha(Djabuti):-Ganacsade u dhashay Dalka Jabuuti ayaa dacwad u qaba Madaxweynaha Dalkaasi Ismaaciil Cumar Geele taasi oo Xal loo waayay Xalinta arintaasi.

Ganacsade C/raxmaan Boorre ayaa dacwad ka dhan Madaxewynaha dalkiisa Ismaaciil Cumar Geelle u gudbiyay Maxkamad ku taalla dalka Faransiiska si go’aan looga gaaro Madaxweynaha.

Dacwadda ka dhanka ah Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ganacsade Boorre waxa uu sheegay in uu si sharci dara ah uga isticmaalay lacag uu lahaa taasi oo si toos ah uu ugu tagri falay.

Ganacsade C/raxmaan Boorriye iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ahaa laba ruux oo aad isugu dhow islamarkaana xagga dhaqaalaha heshiis ku ahaa oo ay wax wada wadaagi jireen.

Ganacsadaha ayaa waxa uu haatan ku suganyahay Faransiiska isagoo weli wada dacwad ka dhan ah Madaxweynaha si sharciga loo soo taago dhaqaalaha uu sharci darada ku cunayna looga soo qaado.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Jabuuti Yaasiin Cilmi Buux ayaa shaaca ka qaaday in dacwada aanay waxba ka jirin isagoo sheegay in ganacsadaha dacwadda oogay ay jirto khilaaf dhanka cashuuraha ah oo kala dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda Jabuuti.

Xafiiska Wararka www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: