read more »">
Calendar

Gal Mudug oo baadi goobaysa ragii dilay nin ajnabi ah

gaalkacyoo-Bartamaha (Gaal-kacyo):- Maamulka Gal Mudug ayaa raad raac ku wada Koox dil ka gaysatay gudaha Magaalada Gaalkacyo oo shalay lagu toogtay nin u dhashay wadanka Zimbabwi.

Madaxa Ammaanka Gal Mudug Axmed Max’ed Xaanshi ayaa saxaafada u sheegay in ay ku raad joogaan raggii dilay nin u dhashay wadanka Zimbabwi kaasi oo shalay lagu dhex toogtay gudaha Xaafad ka mida Koonfurta Magaalada Gaal-kacyo Ee Gobolka Mudug.

Goobta dilka ka dhacay oo Maamulkan uu ka taliyo ayaa waxaa dilkan uu ka dhacay shalay waxaana xiligaasi ka dib soo baxay baaritaan ay samaynayaan Maamulka Gal Mudug wallow ay ku guulaysan la’yihiin soo qabashada cidii dishay ninkaasi ajnabiga ahaa.

Ninkan Ajnabiga ah ayaa waxaa dilay rag saddex dhalinyaro hubaysan ah waxaana maamulka ay sheegeen in ninkan aanay aqoon u lahayn islamarkaana aanu amnigiisa u wakiilan maamulka Gal Mudug balse uu isaga dhex noolaa gudaha Magaalada iyada oo aan war loo haynin.

Maamulka waxa ay iminka isku howlayaan soo qabashada ragga dilka gaysatay wallow la aaminsan yahay in dilka uu ahaa mid bareer ah oo maamulka Gal Mudug aanay waxba ka ogaan karin maadaama raga dilka gaysatay ay ahaayeen koox qorshe ka lahayd dilkaasi.

Dilka ajnabigan u dhashay Zimbabwi ayaa waxa uu qeyb ka yahay amni xumada ka taagan magaalada labada maamul ka wada taliyaan Ee Gaal Kacyo  oo amni ahaan dhawaanahan si guud looga dayrinayay dhowr qof oo muhiim ahna lagu dhex dilay.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: