Calendar

Gabdho Hollandes ah oo lagu soo eedayay inay Ticket suuqa madoow ah ku soo galeen World Cup oo lagu maxkamadeynaayo dalka South Afrika

ALeqM5gE4QEK4semUwrRuIegKs1HRufCcA

Bartamaha (London) Labo gabdhood oo u dhashay dalka Holland ayaa lagu soo eedeeyay inay ticketo suuqa madoow laga soo iibiyay ku soo galeen ciyaartii xulka Holland iyo Denmark. gabdhahaas ayaa ka mid ahaa koox gabdho ah ( BlondeHollandes ah) oo ku labisnaa dharka Orange,kuwasoo si weyn uga soo dhaxmuuqday garoonka.

Kooxdatan gabdhaha ah ayaa waxaa garoonka keenay sida la tuhunsan yahay yahay shirkad Holand’es ah oo ka ganacsata qamriga oo rabta inay ku xayeeysiistaan shirkadooda si sharci daro ah garoomada ciyaaraha lagu qabanaayo madaama aysan ka mid ahayn shirkadaha loo ogal yahay inay ganacsigooda ku xayeeysiistaan inta ay socdaan ciyaaraha aduunka madaama aysan qayb ka ahayn shirkadaha dhaqaalaha ku bixiyay maal galinta koobka aduunka(World Cup).

FIFA ayaa isha si fiican ugu haysa shirkadahaas iyo dadka sida qaldan Ticket ugu soo iibsaday suuqa (ambush marketing).

dutch-fans_1659566cSida la rumaysan yahay ticket ay isticmaalayeen gabdhaha u dhashay dalka Holand ayaa ah kuwa markii hore loo siiyay ciyaaryahanka la yiraahdo Robbie Earle oo ka shaqeeya  ITV  inta u jooga ciyaaraha isaga iyo caa’iiladiisa ku galaan garoomada balse aysan isticmaali Karin wax ka baxsan dadkaas, Ticket waxay dhamaayeen ilaa 150 xabo, ITV ayaa shaqada ka eryay  pundit Robbie Earle kadib markii dacwad FIFA u gudbisay ku saabsan  arinkaan, hasayeeshee Robbie ayaa sheegay inuusan gadanin balse u siiyay dad ay asxaab yihiin laakinse ITV kuma qancin hadalkaasi  balse shaqadii ayay ka eryaan.

Labadan gabdhood ayaa waxaa saakay lagu soo oogay dacwad islamarkaana laga qaaday sharciga kadibna luga looga xirey bail lagula socda meesha ay joogaan inta maxkamada go’aan rasmi ah ka qaadanayso, waxaa hada lagu sii daayay damiin kadib markii ay bixiyeen lacag dhan 10.000 rand( $ 90).

Wasiirka Arimaha dibadda dalka Holand Maxime Verhagen ayay ku tilmaamtey xariga gabdhaha Holandeeska loo geystey   ceeb (outrageous), waxaa la filayaa in maalinimada Talaadada la saaro maxkamad. Iyagoo lagu soo oogayo ‘’  Three charges including unauthorised use of  a trademark at  a protected event’’.

W/D:YUSUF YUSUF

Sports editor of SSPAMEDIA

[email protected]

London

Comments

comments

Category : Ciyaaraha [ Sports ], Wararka Maanta.
« »

Comment: