Gabay “BAAFIN”
Gabaygani Hal-ku-dhiggiisu waa “BAAFIN” waxaana tiriyay Abwaan Xasan Garaad Warsame.
Akhristow gabaygani wuxuu ka tarjumayaa baadi qof gashay oo wejiyo kala duwan leh, haddaba si fiican u dhuux oo isku day inaad fahamto bal baadidaasi nooca ay tahay iyo nuxurka uu gabaygu xambaarsan yahay.
Marka aad ka bogato akhriska gabayga, fadlan aragtidaada noogu soo dir emailka hoose ee abwaanka.
Waa kan gabaygii Baafin ee ka bogasho wacan
1)Â Â Â Â Adduunyada dhib lagu baahiyaa beerka doogsamaye
2)Â Â Â Â Inta ruux baraadli`i hurdada bogata waa dhiife
3)Â Â Â Â Bayaan saxa haddii lagu socdiyo boorintii Nebiga
4)Â Â Â Â Sharciga Alle lama baal mareen lamana buuqeene
5)Â Â Â Â Boqorrada aduunyadan xakuma been ma taliyeene
6)Â Â Â Â Bahow dhacay badbaad kama heleen booli quutuhuye
7)Â Â Â Â Baraarihi ka hadal dumar ragguna ba`i ka sheekeeye
8)Â Â Â Â Nimanyahow nin baadiyu gashoo baafiyaan ahaye
9)
10)Â Nimanyohow barbaarnimadi baan beer tabcaday waaye
11)biyo lagu waraabshiyo waxay begel lahaataaba
12)baalleyda duushiyo waxaan bahal ka dhowraaba
13)babaaga iyo mooskiyo markuu dalagu buux dhaafshay
14)oo ay wada bislaataye gureen kaliya loo baahday
15)belo soo abraartiyo si aan beylah uga eego
16)bartankeeda geed timir ah baan buush ka suubsadaye
17)biriq baan dhex iri goor cawadi kala barkeedaaye
18)hayeeshee bul soo iri markuu bariyey waagiiye
19)buushkiba xataa maqan adugu beer iskaba daaye
20)barbarkaan damoodaba abaar bilig leh weeyaane
21)buur dhagax leh anigoo hurdaan soo baraarugaye
22)bisinkaan qabsaday nabadgalyaan baarri heybsadaye
23)balse waxay su`aal baahin mudan bixisay laabteydu
24)maanaa biday dabeylaha miyaa baaxad igu qaaday
25)bac miyaan ahaa sow adoon bowdo culus maahi
26)baraarihi ka hadal dumar ragguna ba`i ka sheekeeye
27)nimanyohow nin baadiyu gashoo baafiyaan ahaye
28)Â Maalin baan horweyn geel batiyo boor lahaan jiraye
29)bannaan kuma ladnaatiyo dhul aan harafku buurneyne
30)beeyacadka xagarkiyo waxaan howd ku bariyaaba
31)markuu burunji geydhooyinkiyo gucumadeys biirshay
32)inta boqol hab ugu owr dayaan baarqabka u furaye
33)dacrin waranku gaarshiyo waxaan balag ku soofshaaba
34)baar-nirgood gaheyrkiyo waxay dhuunka bixisaaba
35)nafta biimo yaabliyo waxaan halis ku beegaaba
36)oon balow colaadiyo hab-heeb ula bareeraaba
37)diraac bedertan dowliga markii leysla bixin waayo
38)bahawacadne xaajadu tahee hiil ninluhu boodo
39)ee nimaan birjeex doora dhalin beybka daran waayo
40)bogga waxaan wadaan ugu sidoon baaca laliyaaba
41)bowdo raggan wadaagniyo waxaan hebel ku beelaaba
42)marki ay bishiisii go`dee sanad barwaaqoobay
43)ee gu’gu intuu baaca dhigay hara kastaa buuxdo
44)waa boqol qasgoydaye isagoo lulaya boodaanka
45)bil toddobaa habeen ay godkeed baalka dhiganeyso
46)burcaleen leh goortuu fadhiga booban jiifsadaye
47)billowgii aroortaan kiciyo baadi subaxeede
48)iska daa bidhaan laga arkiyo muuq la beegsado`e
49)barow maray xataa lama arkiyo raad balowsadaye
50)bisinkaan qabsaday nabadgalyaan baarri heybsadaye
51)balse waxay su`aal baahin mudan bixisey laabteydu
52)ma baxsaday ma buuraa ku dumay bado miyaa qaaday
53)mise guluf bartiis lama arkiyo cadow kalaa boobay
54)baraarihi ka hadal dumar ragguna ba`i ka sheekeeye
55)nimanyohow nin baadiyu gashoo baafiyaan ahaye
56)
57)Â Been baan ku tirin jiray cishqigu waa dilaa ba`ane
58)baroordiiqdi Leyliyo is iri Qeysba how bixine
59)buunbuunis weeyaan lahaa wawdi Boodhariye
60)hayeeshee bacaad igu wareen budul ku siiyaale
61)baallaha cadceeddiyo hillaac biligleh mooyaane
62)bashar qurux ku gaaraba mid aan ciidda lagu beerin
63)barta midabka nuur iyo intay hadaw la soo boodday
64)bushimaha faruuryaha dibnaha baashida u fiican
65)sunniyo aad bil mooddiyo indhaha baararka weynle
66)64 cabaadyada isbaal jiifsadee buuxshay luqunteede
67)dhexda madagta lagu beegay iyo barida miisaaman
68)biigadaha garaaryaha gacmaha boqon markey qaado
69)oo ay bilicda laafyaha riddey beerka damaqdaaye
70)68 .waa barwaaqo sida beer dalxiis dhaayahaw bogiye
71)waana ugub ninkey baal martaa boohin ku caweyne
72)boholyoow daraaddiis anoo balagsan oo liita
73)kana baqaya gabadhi u bandhigay baahi rabitaane
74)u barreeray baas iyo wanaag kii ka soo baxa’e
75)balse barasho wacan kala kulmiyo baaq xishood hugane
76)la billaabay buuro isku xiran badiyo haasaawe
77)ka badbaadnay boog iyo khilaaf ruuxba ruux bado`e
78)biya shubadki sheekada kolkaan guur ku wada bowdnay
79)ballantina barriyo saadambiyo beegan tahay foogta
80)ee aan beydki lagu dhaqi lahaa daahyada u buushay
81)ayey wiil bannaannada ka yimid beri ku siiyeene
82)ayadoo aroos loo barraxay laga balweynaayo
83)bug damtana gurbaanku uu hayaan soo baraarugaye
84)bisinkaan qabsaday nabadgalyaan baarri heybsadaye
85)balse waxay su`aal baahin mudan bixisay laabteydu
86)bud hadaan dhifsado oon darteed boqol u soo laayo
87)sideen tima bardaaley ku heli bixi adoogeede
88)baraarihi ka hadal dumar ragguna ba`i ka sheekeeye
89)nimanyohow nin baadiyu gashoo baafiyaan ahaye
Waxaa Tiriyay: Abwaan Xasan Garaad Warsame
Email: [email protected]
Comments
comments