Gabar 11-Bilood jir ah oo la Ildaran Xanuun ka Asiibay Laf-dhabarta Iyo Madaxa Oo Gargaar u baahan(Daawo Sawirada)
 Xafsa axmed c/raxmaan waa gabadh yar oo Agoon ah oo jirta11-bilood oo la il daran xanuun ka asiibay lafdhabarta iyo madaxa iyadoo aan awoodin inay fadhiisato in la seexiyo mooyaane oo waxaa hoos u dhacaya qoorta iyo weliba madaxa islamarkaana kasoo jeeda qoys sabool ah oo kamid ah dadka barakcayaasha ah ee ku nool Deegaanka ceelasha biyaha ee duleedka muqdisho iyadoo uu geeriyooday aabihii dhalay xafsa bishii oktobar 2008-dii taasoo ay dileen ciidamdii Ethiopia ee muqdisho ku sugnaa
 Hooyada dhashay xafsa c/raxmaan oo lagu magacaabo Fardows maxamed ibraahin oo waramaysay warbaahinta ayaa tilmaantay inay gabadha ay dhashay mudo la tacaalaysay waloow aysan ku guuleysan inay xanuunkeeda daawo u hesho islamrkaana ku macnaysay dhaqaalo xumo iyo weliba dhibaato agoontinimo .
 Fardows ayaa intaasi raacisay in uu aabihii gadbadhan dhalay ALLE ha u naxariistee oo ay dileen ciidamadii Ethiopia ee muqdisho ku sugnaa xiligii ay sii baxayeen bishii oktobar 2008-ka uu xamaali jirey balse ay ku catowday in ALLE Oofsaday islamrkaana ay mugdi daneed galeen taasoo ay u saamixi weydey inay la tacaasho gabadhan yare e la il daran xanuunka nerfaha ah waloow ay sheegtay inay muujisay dadaal .
 Si kastaba ha ahaatee Fardows maxamed ibraahin oo ah hooyada dhashay gabdhan yare ee xanuunsan ayaa dadka muslimka ah ka Codsatay inay gargaar u fidiyaan .
Hadaba cidii Caawinaysa gabdhan yar ha Ugu Soo hagaajiyo telefoonada kala ah :
Â
+2521-5845573 oo laga helo Hooyada dhashay gabdha xanuunsan oo lagu magacaabo Fardows Maxamed ibraahin Deegaanka Ceelasha Biyaha Ama +2521-5540866 oo laga helo gabadha yar abtigeed oo lagu magacaabo C/kariin maxamed ibraahin oo laga helo deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Comments
comments