Calendar

Gaarigii gudoomiyaha Gobolka Bari oo la qarxiyay.

boosBartamaha(Boosaaso):-Qarax xoog badan oo xalay la dhacay magaalada Boosaaso ayaa lala beegsaday gaari uu lahaa gudoomiyaha Gobolka Bari.

Qaraxa oo ahaa Miinada nuuca rumuudka laga hago ayaa lala beegsaday gaari uu lahaa gudoomiyaha Gobolka Bari Sheekh C/xaafid Cali Yuusuf xilli uu marayay bartamaha magaalada.

Gaariga ayaa waxaa xiliga la qarxinayay saarnaa qaar ka mida ilaalada Gudoomiyaha oo kaliya wallow xilligaasi ay ku sii jeedeen goob uu ku sugnaa Gudoomiyaha oo doonayay in gaariga uu soo raaco.

Burbur laxaad leh ayaa la xaqiijiyay in uu gaaray gaarigaasi oo dhawaqa Miinada lala beegsanayay laga maqlay inta badan Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari halkaasi oo qaraxyada ay dhawaanahan ku soo badanayeen.

Qaar ka mida ilaalada masuulkaasi ayaa la xaqiijiyay in ay dhaawacmeen wallow dhimasho aanay ka dhicin goobta sida ay xaqiijiyeen saraakliisha ammaanka oo goobtaasi soo gaaray.

Waxaa socanaya howlgalo dhanka ammaanka oo ay wadaan Ciidanka amniga oo doonaya in ay soo helaan Kooxdii ka danbaysay qaraxa xalay ka dhacay magaalada Boosaaso Ee Gobolka Bari.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Nairobi-Kenya.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: