Gaari Shabaab lahaayeen oo wadada loo galay (Faah-faahin).
Bartamaha (Maxaas):- Gaari ay saarnaayeen Ciidan iyo Saraakiil Shabaab ah ayaa maanta si gaadma ah loogu rasaaseeyay wadada isku xerta Deegaanka Maxaas iyo Wabxo.
Kooxo hubaysan oo aan la aqoon ayaa maanta wadada u galay gaari ay ka buuxeen Maleeshiyaad Shabaab ah kuwaasi oo ka soo baxay Deegaanka Maxaas Ee Gobolka Hiiraan kuna wajahnaa Deegaanka Waxbo.
Kooxda aan la garan waxa ay ahaayeen ayaa waxa ay Garneel la heleen gaariga shabaabka ay saarnaayeen waxaana halkaasi qasaara xoog badan ka soo gaaray Ciidankii Alshabaab oo la aamin san yahay in saraakiil ay la socdeen.
Gaariga ayaa waxaa la sheegay in markii Garneelka garabka laga soo ganay uu haleelay ka dib halkaasi ay ka dhacday rasaas culus oo ay Kooxdii Hubaysnayd la sii hubsadeen gaariga iyo Ciidankii saarnaa oo qaarkood ay badbaadeen.
Rasaasta oo socanaysa muddo kooban ayaa waxaa wararka na soo gaaraya ay sheegayaan in waxyeela ba’an ay ka soo gaartay Askartii Alshabaab ee la weeraray waxaana xiligaasi ka dib gurmad u fididyay Ciidan ka soo baxay Maxaas.
Lama garanayo waxa ay ahaayeen Kooxda wadada u gashay Alshabaab waxaana taasi ay timid xilli Xaalada Gobolka Galgaduud oo jaar la ah Hiiraan maalmihii u danbeysay xaaladiisa ay qasnayd iyadoo Maleeshiyada shabaabka xiliga ay marayaan Wadadaasi aanay qabi jirin wax tuhun ah wallow maanta wadada lagu helay.
Dhacdada maanta ayaa sabab ka dhigi doonta in Ciidanka Alshabaab iyo Hogaamiyayaashooda xiliga ay isaga talaabayaan Hiiraan iyo Gobolka Galgaduud ay galaan Feejignaan sare maadaama koox aan la garan maanta ay jidka ku heleen Kooxda Alshabaab gaari ay lahaayeen oo ku jeeday Wabxo.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments