Gaari lagu rasaaseeyay duleedka Degmada Wanla-weyn.
Bartamaha(Walaweyn):-Kooxo Dablay ah ayaa rasaas laa beegsatay gaaari rakaaab ah oo marayay inta u dhexeysa Walaweyn iyo Buur Hakabaa halkaaasi oo dhawaanahan ammaan daro laga soo sheegayay.
Kooxda Burcada ah ayaa waxa ay doonayeen in ay dhacaan rakaabka gaariga ay rasaasta la beegsadeen taasi oo qasaara uu ka soo gaaaray qaar ka mida rakaabkii gaariga laa xabadeeyay.
Inta la ogyahay 2-ruux oo raakab ah ayaa dhintay 5-kalana dhaawac ayaa soo gaaray markii rasaas xoogan ay la beegsadeen koox dablaay ah gari nuuca rakaabka ah oo ku sii jeeday Gobolka Bay.
Dablaayda ayaa waxa ay gaarigaasi u galeen Degmada Walaweyn meel duleedkeeda ah waxaana halkaasi ay waxyeela ugu geysteen rakabka gariga ay rasaasta la beegsadeen Burcada.
Ciidanka Alshabaab ayaa gaaray goobtaa faalka uu ka dhacay wallow aanay jirin cid ay ka soo qabteen goobtaasi maadaama ay isaga carareen goobta Kooxdii gaariga raasaaseysay.
Falka nuucaaani ah waxa uu ku soo noqnoqday Deegaanka waxaana halkaaasi ka taliya Alshabaab iyo Xizbul Islaam oo inta badan la sheego in ammaank ay wax ka qabtaan wallow shacabka ay dhibkaasi ku hayaan Burcada Wadooyinka.
Xafiiska Wararka www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments