Calendar

Gaari lagu rasaaseeyay duleedka Degmada Wala-Weyne Ee Gobolka Sh/Hoose.

qasaare Bartamaha(Wala-Weyn):-Koxo hubaysan ayaa Xalay gaari ku rasaaseeyay duleedka Degmada Walaweyn ee Gobolka Sh/Hoose.

Laba qof ayaa ku geeriyootay 2-kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii Koox Burcad ah ay wadada u gashay gaari ku sii jeeday Gobolka Bay.

Kooxo doonayay in ay dhacaan gaari rakaab ah oo ku sii jeeday Magaalada Baydhabo ayaa rasaas qasaara sababatay kula beegsaday duleedka Degmada Walaweyn.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa waxaa loo soo celiyay gudaha Walaweyn halkaasi oo lagu dabiibayo dhaawacyada halka maydadka lagu aasayo.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Alshabaab Walaweyn oo horay u balan qaaday in ay ammaanka wax ka badalayaan wadada u dhexeysa Walaweyn iyo Buur Hakaba.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: