Gaari ay soo dheceen Koox Islaamiyiinta ka mida oo sababay Laba wiil oo wada dhashay in ay dhintaan.
Bartamaha(Afgooye):-Laba Wiil oo wada dhashay ayaa dhimatay iska hor’imaad aaan qasaara kale dhalina waxa uu ka dhacay wadada isku xerta Afgooye iyo Ceelasha Biyaha.
Koox Islamiyiinta ka mida ayaa maanta gaari Ronerd ah ka soo dhacay gudaha Afgooye iyadoo muddo ka dib gaarigaasi wadada loo galay oo rasaas la huwiyay taasi oo qasaara badan sababtay.
Gaariga oo xawaare sare ku socanayay ayaa waxaa la xaqiijiyay in uu jiiray Laba wiil oo wada dhalatay kuwaasi oo ku sugnaa hareerta wadada Deegaanka Xaawa Cabdi ee duleedka Afgooye.
Gaariga ayaa waxaa soo dhacay Koox ka mida Islaamiyiinta kuwaasi oo wadatay gaari kale oo nuuca Caribka ah iyadoo muddo ka dib uu ka rogmaday gaarigii ay soo dheceen ka dibna ay isaga carareen goobtaasi.
Muddo ka dib ayaa waxaa goobtaasi soo gaaray  Ciidamada Xizbul Islaam kuwaasi oo muddo goobta uu ku rogmaday gaarigaasi ku sugnaayeen wallow aanay ku guulaysan qabashada raga burcada Islaamiyiinta ah ee dhaca soo geystay.
Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments