Gaadiid lagu haystay gobalka Mudug oo lagu guulaystay in lasii daayo (sawirro)
Gaalkacyo_ Waxaa maanta lasii daayay labo gaari o nooca xamulka qaada ah kuwaasi oo in muddo ah lagu haystay gobalka mudug lagana lahaa gobalka Hiiraan.
Siidaynta gaawaridani ayaa kadamaysay waan waan dhexmartay kooxihii haystay iyo dowlada Puntland, waxaana maanta munaasabad sagootin ah loogu sameeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, waxaana kaqayb galay masuuliyinta gobalka Mudug ee Pl.
Axmed Muuse Nuur oo ah guuddoomiye ku xigeenka labaad ee gobalka Mudug ayaa sheegay in dadaal dheer loo galay sidii loosii dayn lahaa gaadiidkan xamuulka ah ee muddada lagu haystay gobalka Mudug, waxaa uu intaasi raaciyay in waan waan dheer kadib lagu guulaystay in kooxdii haysatay gawaaridani lagu qanciyay inay sii daayaan.
Mid kamid ah waxgaradka kasoo jeeda gobalka Hiiraan ayaa u mahedceliyay dowlada iyo shacabka Puntland, isagoona amaanay taalabada lagusii dayay gaadiidkani.
Comments
comments