Fiqi oo sir culus u gudbiyay wargeys kasoo baxa dalka Kenya
Madaxii hore ee nabadsugida Soomaaliya oo la hadlay wargeyska THE STANDARD ee kasoo baxa waddanka Kenya ayaa sheegay inuu ka hortagay weeraro argagixiso oo ay Alshabaab la damacsanayd waddanka Kenya.
Waxaa uu sheegay in weeraradan lala beegsan lahaa isu soo baxyadii ay kaambaynkooda isugu yeerayeen kumannaanka dadka labada musharrax ee ugu shacbiyada badan dalka Kenya ee Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga.
Alshabaab ayaa weeraradan sii qorshaysay sannadkii 2011-dii waxaana lagu ogaaday macluumaadkan Laptop laga helay gaarigii Fazul Maxamed oo ka tirsanaa Alshabaab oo Soomaaliya lagu dilay.
Waxaana Fiqi uu sheegay in macluumaadkaas uu la wadaagay sirdoonka Kenya taasoo sahashay in laga hortago weeraradii lala damacsanaa Kenya oo qorshuhu ahaa in dhaawac xoogleh lasoo gaarsiiyo.
Comments
comments