Faysal Cali Waraabe: “Siilaanyo waa kaligi taliye xukunkii dalka marooqsaday”
Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa si kulul u weeraray madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ku tilmaamay inuu yahay kaligi taliye.
“Siilaanyo waa kaligi taliye xukunkii dalka marooqsaday” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta la hadlay.
Waxaa uu sheegay inay iibsadeen doorashadii isla markaana uu ku adagyahay kaligi talinimo isagoo ku mitaalay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.
Waraabe ayaa ku eedeeyay maamulka Siilaanyo inuu xukunkii dalka gacanta galiyay shakhsiyaad koobaan, isla markaana uu bartilmaameedsaday mucaaradka.
“Waxa la ii cayrsanayaa waa runta aan ka sheegayo” ayuu yiri Faysal.
Comments
comments
Category : Featured, Wararka Maanta.